Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»TAHRIIBTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED MAXAA SABABA?
    Puntland

    TAHRIIBTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED MAXAA SABABA?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 6, 2025No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed waxa uu ka mid yahay arrimaha ugu culus ee dalka ka jira, waxaana sababi kara dhowr arrimood oo isugu jira kuwa siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo kuwo shakhsiyeed. Waxaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn:

    1Nabadgelyo la’aan iyo Hubanti la’aan Siyaasadeed?

      Soomaaliya waxay muddo 35-sano ah la tacaalaysay dagaallo sokeeye, is-beddel siyaasadeed, qabyaalad , iyo burbur. Tani waxay keentay in nidaamka dowladeed ee xasilloon uu burburo, isla markaana dadka shacabka ah ay noqdaan kuwo aan helin xuquuqda aasaasiga ah sida amniga, waxbarashada, iyo caafimaadka iwm.

      Niyad-jab,ayaa ku dhalatay maadaama dhalinyaradu ay dareemayaan in aysan jirin mustaqbal wanaagsan oo gudaha dalka ah.

      2.Lacag la’aan iyo Shaqo La’aan Baahsan?

        Shaqo la’aanta iyo fursadaha dhaqaale ee xadadan,ayaa sidoo kale ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ugu qulqulayaan tahriibka. Dad badan,ayaa ku qasban inay ka tagaan dalkooda si ay u raadsadaan nolol ka wanaagsan tan ay Soomaaliya ku haystaan, gaar ahaan haddii ay arkaan in gudaha dalka aysan helayn fursado shaqo ama horumar. Xitaa dadka waxbarashadu haystaan waxaa ka maqan fursado ay ku shaqeeyaan ama ay ku horumariyaan xirfadooda. Tani waxay dhalinyarada ku riixdaa inay u raadshaan nolol ka wanaagsan meelaha kale, iyaga oo ku qasban inay ka tagaan dalkooda.

        3.Amni xumo?

          Soomaaliya waxaa ka jira xaalado amni darro sida dagaallo sokeeye, kooxo hubeysan, argagixiso iyo xaalado kale oo halis gelinaya nolosha dadka.

          Dhalinyaradu mararka qaar waxay dareemaan in aanay jirin meel ammaan ah oo ay ku noolaadaan ama ku shaqeystaan, taasoo ku qasbeysa inay raadiyaan meel nabad iyo fursad leh.

          4.Passportka Soomaaliya oo aan aqoonsi caalami haysan?

            Passportka Soomaaliya,ayaa muddo dheer aan si buuxda u shaqaynayn, taasoo ka dhigaysa in dadka Soomaaliyeed ay aad ugu dhibtoodaan inay ka safraan dalka si sharci ah. Taasi waxay dhalinaysaa inay dhalinyaradu raadiyaan waddooyin aan sharci ahayn oo ay ku gaari karaan dalal kale, taasoo ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena tahriibka.

            Waxaa sabab u ah in tayada Iyo aqoonsiga Passport ka Soomaaliya hooseeyo dhowr arimood…

            A) Sabab la xiriirta amniga Iyo sax ahaanshaha Waraaqaha aqoonsi.

            B) Musuq maasuq Iyo magac dilid- Muddo dheer baasaboorka Soomaaliga lagu eedaynayey oo ku salaysan in si fudud loo been-abuuro ama lagu helo sifooyin sharci darro ah.

            C) Xiriirka Diblomaasiyadeed oo xun – Xiriirada xaddidan ee Soomaaliya la leedahay qaar ka mid ah dalalka Caalamka , taas oo samaynaysa heerka kalsoonida baasaboorka Soomaaliya.

            5.Taya xumada Waxbarashada?

              Xilliyada qaar, dhalinyarada Soomaaliyeed waxay dareemaan in ay ka maqan yihiin fursado waxbarasho iyo xirfado kobcinaya noloshooda,Waxbarashada iyo xirfadaha muhiimka ah ee laga raadinayo dalalka kale waxay noqon kartaa mid dhalinyarada ku riixda tahriibta.

              6.Xiriirka Iyo Saaxiibtinimada Qurbaha?

                Dhalinyarada gudaha dalka ku nool,ayaa xiriir dhow la leh dhalinyaro iyo qoysas ku sugan dalalka qurbaha. Tani waxay ku dhiirrigelisaa dhalinyarada qorax joogta ah inay raadsadaan fursado ka wanaagsan kuwa ay haystaan, iyagoo rajeynaya inay helaan lacag, xiriir wanaagsan, iyo fursado horumarineed. Badanaa, dhalinyarada tahriibta qaadata waxay ka yimaadaan qoysas dhaqaale ahaan u suurtogeliya inay safraan ama waxay ka tirsan yihiin qoysas ku nool qurbaha. Tani waxay ku dhiirrigelisaa dhalinyarada inay qaataan go’aanka tahriibka, iyagoo rajeynaya in lacagta tahriibka lagu taageero si ay u gaadhaan nolol ka wanaagsan tay dalka ku haystaan.

                7.Xaaladaha Dhaqaale Ee Dalka?

                  Xaaladaha dhaqaale ee dalka, oo ay ka mid yihiin sicir-bararka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha, ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaara sababaynta tahriibka. Dhalinyaradu waxay dareemaan inaysan helayn fursado dhaqaale oo ay ku kobciyaan noloshooda hadaay dalka ka tahriibaan .

                  8.Dhibaatooyinka Bulsho Ee Dalka Gudihiisa?

                    Qoysaska iyo bulshada dhexdeeda waxaa sidoo kale ka jira dhibaatooyin xagga dhaqanka iyo awoodda bulshada. Tani waxay dhalinyarada ku riixaysaa inay ka haajiraan dhaqamada iyo xeerarka adag ee bulshada dhexdeeda, iyadoo raadineysa xorriyad iyo fursado cusub.

                    Tusaale Oday dhaqameedku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka bulsho ee Soomaalida, laakiin mararka qaar qaabka go’aamada qaadashada iyo hoggaaminta,ayaa laga yaabaa inuu dhalinyarada ka hor istaago inay fikradahooda iyo kartidooda ku soo bandhigaan, taasoo caqabad ku ah dhalin yarada.

                    Sidoo kale Dhalinyarada ayaa dareema in aysan helin taageero ku filan oo ka timaadda dowladda ama bulshada, taasoo ka dhigeysa inay raadiyaan fursado ka baxsan dalka.

                    Gabagabo…

                    Tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa u sabab ah arrimo dhowr ah oo isku jira. Si loo xaliyo, waxaa muhiim ah in Soomaaliya laga hirgeliyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed, fursado dhaqaale, iyo xal u helidda dhibaatada shaqo la’aanta.

                    Marka la helo nidaam siyaasadeed oo xooggan, nabadgelyo, iyo adeegyo bulsho oo tayo leh, waxaa suuragal ah in dhalinyarada Soomaaliyeed ay helaan fursado gudaha dalka ah oo ka hortagaya tahriibka.

                    W/Q: Muna Kaamila

                    Follow on Google News Follow on Flipboard
                    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

                    Related Posts

                    Saraakiil ka tirsan Ciidamada difaaca PL oo Miino la qaraxday

                    September 6, 2025

                    Yaa fuliyay dilka Sarkaalka Hargaysa lagu dilay?

                    September 6, 2025

                    Puntland’s Courageous Stand: Combating ISIS in Cal Miskaad Mountains

                    September 6, 2025
                    Latest Posts

                    Saraakiil ka tirsan Ciidamada difaaca PL oo Miino la qaraxday

                    Yaa fuliyay dilka Sarkaalka Hargaysa lagu dilay?

                    TAHRIIBTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED MAXAA SABABA?

                    Puntland’s Courageous Stand: Combating ISIS in Cal Miskaad Mountains

                    U.S. AFRICOM Commander Praises Puntland’s Victory Over Terrorism

                    Talyaha Africom oo si weyn ubogaadiyay Ciidamada difaaca Puntland

                    DFS oo wada qorshe ka dhan ah Dowlada Puntland

                    Faallo:-Mw Deni”Hogaamiye ka gudbay imtixaano adag”.

                    Puntland oo Degmooyin u aqoonsatay Ceelbuh iyo Baraagaha-qol

                    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDIGA HORUMARINTA EE DEGMADA BOOSAASO

                    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
                    • Home
                    • Puntland
                    • Somalia
                    • News in English
                    © 2025 Idil News

                    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.