Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Talye Gaagaale oo Aas qaran loogu sameeyay Ceel-daahir
    Puntland

    Talye Gaagaale oo Aas qaran loogu sameeyay Ceel-daahir

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ceel-daahir, February 06, 2025 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaq Axmed Siciid, ayaa ka qeyb-galay aas qaran oo deegaanka Ceel-daahir loogu sameeyay Allaha u naxariistee G/sare Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifataax Qoryood, kuwaas oo naftooda u huray difaaca dalka iyo amniga.

    Aaska qaranka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Xildhibaanno, Wasiirro, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Carmo, iyo Guddiga Gurmadka, kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin geerida labada geesi ee ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa uga tacsiyadeeyay waalidiinta, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabka Puntland, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo.

    “dhammaan ciidankeena waxay naftooda u hureen difaaca dalkooda, dhiiggooduna wuxuu noqonayaa dhaxal taariikhi ah oo lagu xasuusan doono. Dawladda Puntland waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dalkeena,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

    Dawladda Puntland iyo shacabka waxay si wadajir ah u garab taagan yihiin ciidamada geesiyaasha ah ee naf-hurnimada u muujiyey difaaca dalka.

    Ilaahay ha u naxariisto, Janatul Firdowsana ha ka waraabiyo.

    – DHAMMAAD –

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.