Dhaawac fudud ayaa soo gaaray talye xigeenkii Booliska Puntlandย Bile Faarax Cali ka gadaal markii ay is rasaaseeyeen ilaaladiisa iyo ciidamo Boolis ah oo fadhiyay bar kayntarool oo taalay inta u dhaxaysa Garowe iyo Buurawadal.
ย
Talyaha ayaa hada xaalkiisu wanaagsan yahay,iyadoo dhaawaciisa alagu dabiibayo isbitaalka Qaran ee garowe.
ย
Mahan markii ugu horaysay oo dhaawac soo gaaro Talyayaasha Booliska Puntland.
ย
Ilaa iyo hada Taliska Booliska Puntland kama hadlin dhaawaca talye xigeenka Booliska Puntland soo gaaray,sidoo kale masuuliyiin ay warbaahinta idil News la xariirtay ayaa ka gaabsaday ka hadalka dhacdadan.
