Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tedros oo kusoo jeediyay Indhaha caalamka dagaalka Tigree
    Somalia

    Tedros oo kusoo jeediyay Indhaha caalamka dagaalka Tigree

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 26, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa khamiistii ka dhawaajiyay xanuunkiisa gaarka ah ee ku aaddan xaaladda gobolka Tigray ee Itoobiya, isagoo ku calaacalay in uusan la xiriiri karin, waxna u qaban karin eheladiisa oo la dhibaateysan gaajo iyo macluul.

    “Waxaan halkaas ku leeyahay qaraabo badan, waxaan rabaa inaan lacag u diro, laakiin lacag uma diri karo, way gaajoonayaan, waan ogahay ma caawin karo,” ayuu Tedros u sheegay suxufiyiinta ku sugan xarunta Ururka Caafimaadka Adduunka ee Geneva.

    “Ma caawin karo iyaga, ma caawin karo… gabi ahaanba waan kala go’annahay,” ayuu yiri.

    “Xitaa ma garanayo kan dhintay iyo kan nool.” ayuu raaciyay.

    Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan caafimaadka, oo qudhiisu kasoo jeeda Tigray, ayaa dhalleeceeyay wuxuu ugu yeeray “arxandarrada aan la qiyaasi karin” ee lagu hayo lixda milyan ee dadka deggan gobolka waqooyi, oo si wax ku ool ah looga jaray adeegyadii aasaasiga ahaa muddo ku dhow laba sano.
    Wuxuu ku tilmaamay Khamiista, in ” xannibaad cuna-qabateyn ah oo heysata nolosha dadka Tigreega aysan kaliya aheyn rasaas ama bam, laakiin insida hubkii loo isticmaalay bangiyada, shidaalka, cuntada, korontada iyo daryeelka caafimaadka.”

    Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii ay dib u bilowdeen dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo jabhadda Tigreega, kaas oo meesha ka saaray xabbad-joojin muddo shan bilood ah socotay, isla markaana mugdi geliyey rajada nabadda.

    “Waa wax laga xumaado in la arko dib u soo laabashada iskahorimaadka socda, laakiin dhab ahaantii, dagaalku waligiis ma joogsan,” ayuu yiri.

    Tedros waxa uu tilmaamay in xitaa intii lagu jiray xabbad-joojinta, gobolku uu ahaa mid go’doonsan oo ay yaraatay helitaan cunto iyo dawooyin, wuxuuna ku celceliyay baaqiisa ah “in dib loo bilaabo adeegyada muhiimka ah, lana joojiyo xannibaadda.”

    Wasiirkii hore ee caafimaadka iyo arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ku adkaystay inay shaqadiisa tahay in uu ka walaaco waddan kasta oo ay ka jiraan xaalado caafimaad.

    AFP.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.