Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Toogasho kale oo ka dhacday Maraykanka
    Somalia

    Toogasho kale oo ka dhacday Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Toogashooyin ka dhacay saddex magaalo oo Mareykan ah ayaa lagu dilay sagaal qof, waxaana ku dhaawacmay labaatameeyo kale, taasoo ah tii ugu dambeysay ee rabshado hubeysan oo ka dhashay saddex toogasho oo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka Mareykanka.

    Magaalada Philadelphia, iska horimaad dhex maray laba nin, ayaa isku bedelay is-rasaasayn, taasoo keentay in rasaas lagu furo maqaayad ay dadku ku badan yihiin, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, 12 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana sida uu boolisku sheegay ka dhashay argagax intii ay dadku ka baxsanayeen rasbasta.

    Toogasho taa la mid ah ayaa saqdii dhexe ee Sabtidii ka dhacday meel u dhow baar ku yaalla magaalada Chattanooga ee gobolka Tennessee, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, 14 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen.

    Sidoo kale toogasho kale oo dhacday saacadihii hore ee Axaddii, ayaa lagu dilay saddex qof, labana waa lagu dhaawacay magaalada Saginaw ee gobolka Michigan, sida uu sheegay taleefishinka WEYI, isagoo soo xiganaya bayaan uu soo saaray boolisku.

    Rabshadahan ayaa dhacay iyadoo bulshooyinka ku nool saddex magaalo oo kale ay weli ku jiraan baroor-diiqda xasuuqii 10-ka qof lagu dilay ee ka dhacay dukaan ku yaalla Buffalo, New York; 21 qof oo u badnaa ardayda yar yar oo lagu dilay Uvalde, Texas; iyo afar qof oo joogay dhismo caafimaad oo ku yaal Tulsa, Oklahoma.

    Dadka u dooda xakameynta hubka ayaa ku riixaya dowladda Mareykanka inay qaaddo tillaabooyin adag oo lagu xakameynayo rabshadaha hubka.

    Ugu yaraan 240 toogasho wadareed ayaa sanadkan gudaha Mareykanka ka dhacay, sida ay sheegtay Gun Violence Archive, oo ah koox sameysa cilmi-baaris la xiriirta waxyeellada hubka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.