Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»TPLF oo aqbashay wada-hadalo ay la gasho Dawladda Itoobiya
    Somalia

    TPLF oo aqbashay wada-hadalo ay la gasho Dawladda Itoobiya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2022Updated:October 6, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jabhadda Xoreynta Tigray ee TPLF ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in madaxda Tirgay ay aqbaleen martiqaadka wadahadallada nabadeed ee uu ku baaqay Midowga Africa.

    TPLF ayaa waxay waydiisteen Midowga Africa in la caddeeyo cidda lagu martiqaaday wadahadalladan, ka qaybgalayaasha, kormeerayaal iyo cidda dammaanad qaadi doonta, wixii kasoo baxa wadahadalladan.

    Dowladda Itoobiya ayaa shalay dhinaceeda sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Husseyn.

    Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan, kaas ujeeddadu tahay in lagu soo afjaro colaadda laba sano jirsatay, sida lagu sheegay warqad ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Warqaddan ayaa lagu sheegay in Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika uu hoggaamin doono wadaxaajoodka isagoo taageero ka helaya madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.

    Reuters.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.