Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump iyo Kim Jong-un Oo ay markale ka dhex tafatay
    Somalia

    Trump iyo Kim Jong-un Oo ay markale ka dhex tafatay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 13, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay soo saartay jawaabtii ugu horraysay ee ay ka bixisay booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo qaaradda Aasiya.

    Bayaanka ayaa waxaa gaashaanka loogu daruuray waxa ay ugu yeertay booqashada loogu durbaan tumayo dagaalka, taas oo aanan ka hor istaagi doonin Waqooyiga dhismaha barnaamijkeeda Nukliyeerka.

    Dhanka kale Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu la yaaban yahay sababta hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu u aflagaadeeyay kaddib markii uu yiri waa nin da’ ah, hasayeeshee uusan weligii cay ugu jawaabayn oo uusan oranayn waa “nin gaaban oo buuran”.

    Bayaankeedii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee ay dowladda Kuuriyada Waqooyi ka bixiso booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo qaaradda Aasiya, ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga waxa ay ku sheegtay in ay booqashadan muujinayso inuu ku raadinayo dagaal dhanka nukliyeer ah.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadallada aan ka fiirsiga laheyn ee uu ku dhawaaqayo ninka da’da ah ay dalkaasi ku sii dhiirigelinayaan inuu sii wado dhismaha barnaamijkiisa nukliyeerka.

    Madaxweyne Trump oo ku sugan waddanka Vietnam ayaa bartiisa Twitter-ka ugu soo jawaabay hadalka Kuuriyada Waqooyi isagoo su’aal galiyay sababta uu u aflageedaynayo Kim Jong-un oo uu ugu yeerayo inuu yahay nin da’ ah, isagoo sheegay in uusan weligii ninkaasi ugu yeeri doonin inuu yahay nin gaaban oo buuran.

    Labada dhinac ayaa waxaa u dhaxeeyay dagaal dhanka ah afka ah tan iyo markii Trump uu bilaabay booqashada uu ku marayo Aasiya.

    Madaxweyne Trump ayaa ugu yeeray Kuuriyada Waqooyi inuu ka taliyo maamul qaraar, waxa uuna ka digay in aanay dhayalsan Mareykanka, hasayeeshee qaabka uu uga hadlayo Pyongyang ayaa ah mid deggan ilaa iyo haatan.

    Bayaanka ka soo baxay Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinaya in aanay ka tanaasulayn tijaabada hubkeeda.

    Trump-na waxa uu u muuqdaa inuusan dib isaga celinayn inuu gadaal u riixo Kuuriyada Waqooyi.

     

     

    Xigasho BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.