Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump “Lama kulmi doono Kim Jong-Un haddii aysan natiijo fiican kasoo baxaynin”
    Somalia

    Trump “Lama kulmi doono Kim Jong-Un haddii aysan natiijo fiican kasoo baxaynin”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 19, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu ka baaqan doono shirka la qorsheeyay ee dhexmari doono isaga iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi haddii uusan u arag in ay natiijo kasoo baxayso.
     
    Trump ayaa ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Ra’isulwasaaraha Japan Shinzo Abe.
     
    Mar sii horeysay Trump ayaa ammaanay dadaalka agaasimaha guud ee CIA-da Mike Pompeo oo socdaal qarsoodi ahaa ku tagay dalka Kuuriyada Waqooyi, kadibna la kulmay Kim.
     
    Wuxuu sheegay in agaasimaha uu xiriir wanaagsan lasoo sameeyay Kim.
     
    Waxay ahayd markii koowaad tan iyo sanadkii 2000 oo mas’uul heerkaas ah uu booqasho ku tago Kuuriyada Waqooyi.
     
    Lama oga halka iyo goorta uu kulanka dhacayo, balse waxa uu Trump sheegay in muhiimada ay tahay in Kuuriyada Waqooyi lagu cadaadiyo in ay dhigto hubka nuyuukleerka.
     
    Ra’isulwasaaraha Japan ayaa Trump ka codsaday in uu gacan ka siiyo sidii loosoo siideyn lahaa maxaabiis Japan laga afduubtay sanadkii 1970-kii, kuwaas oo lagu heysto dalka Kuuriyada Waqooyi.
     
    Kuuriyada Waqooyi ayaa horey u qiratay in ay afduubatay 13 Japaaniis ah, kuwaas oo ay u isticmaalayso in ay sirdoonkooda u tabobaraan dhaqamada Japan.
     
    Trump ayaa sheegay in uu ku dadaali doono soo deynta muwaadhiniinta Japan iyo 3 qof oo Maraykanka u dhashay oo dalkaas lagu haysto.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.