Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump Oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Guddiga Gaarka ah Ee baaraya faraglintii Ruushka
    Somalia

    Trump Oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Guddiga Gaarka ah Ee baaraya faraglintii Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 2, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadi shalay mar kale weerar afka ah ku qaaday Guddiga Gaarka ah ee baaraya suurtagalnimada in Ruushka uu faragelin ku sameeyay doorashadi madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sannadki 2016-kii.

    Dhaleeceynta ka soo baxday Trump ayaa timid kadib markii ay qaar ka mid ah Warbaahinta Mareykanka heleen su’aalo dhowr ah oo madaxa guddiga gaarka ah ee baaraya kiiska Ruushka, Robert Mueller ku doonayo inuu weydiiyo Madaxweyne Trump.

    Su’aalahan oo la sheegay in ay ka badan yihiin 40 su’aal ayaa waxaa loo dusiyay wargeyska New York Times . Trump ayaa dusintan ku tilmaamay arrin ceeb ah. Isaga oo mar kale ku celiyay in baaritaankani uu yahay wax aanan jirin oo looga danleeyahay in isaga lagu dhaawaco.

    Wargeyska The Times ayaa ku warramay in su’aalaha kooxda Mueller ay rabaan in ay baaraan arrimo ku saabsan wixi dhacay inti uu socday ololihii doorashada, saddexdii bilood ee u dhaxeysay doorashada iyo marki xilka loo caleema saaray billowgi sannadki 2017-ki. Sidoo kale waxay rabaan in ay wax ka weydiiyaan 15-kii bilood ee uu xafiiska maamulay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.