Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Trump oo si xun bahdilay Madaxweynaha Ukrain
    Puntland

    Trump oo si xun bahdilay Madaxweynaha Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 28, 2025Updated:February 28, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Donald Trump,ayaa si caro leh ugu jawaabay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Xafiiska Oval. Trump,ayaa codkiisa kor u qaaday, isagoo ku eedeeyay Zelensky in uusan ixtiraam lahayn.

    Kulanka,ayaa bilawgii si deggan ku bilowday, laakiin xaaladda,ayaa is beddeshay markii Zelensky uu ka horyimid fikirka Madaxweyne Ku-xigeenka J.D. Vance, kaas oo soo jeediyay in wadahadal lala furo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, si dagaalka loo joojiyo.

    Zelensky,ayaa si caro leh uga falceliyay,isagoo sheegay in Putin marar badan weerarro ku qaaday Ukraine, jebiyayna heshiisyo xabbad-joojin ah, isla markaana diiday in la is-dhaafsado maxaabiista dagaalka.

    Trump ayaa Zelensky ku canaantay in uu khatar gelinayo in uu sababo dagaal caalami ah islamarkaana uu Mareykanka taageeray Ukraine in ka badan intii la filayay. Vance ayaa sidoo kale Zelensky ku eedeeyay inuusan hal mar uga mahadcelin hubka iyo dhaqaalaha Mareykanku siiyay Ukraine tan iyo 2022.

    Kulanka oo markii hore loogu talagalay in loogaga wadahadlo heshiis dhanka Macdanta ah,ayaa kusoo dhammaaday Trump oo Zelensky u sheegay in uusan diyaar u ahayn Nabadda,wuxuuna amray in Ukraine laga saaro Aqalka Cad.

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    March 29, 2026

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    March 29, 2026

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    March 29, 2026
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Madaxweynaha Fadaraalka oo laga keenay Mooshin xilka qaadis ah

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay ka amusing PL ee isdoorashada Laftagareen?

    Xasan Shiikh oo dhaawac weyn gaarsiiyay Dowlad dhiskii Somaliya

    Puntland oo ka gaabsatay hanbalyada isdoorashada Laftagareen

    DFS Oo ka hor timid isdoorashada Laftagareen

    Cabdicasiis Lafta Gareen Oo isku doortay Madaxweynaha KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.