Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump Oo U hanbalyeeyay Dhigiisa Madaxweynaha dib loo doortay Ee Ruushka
    Somalia

    Trump Oo U hanbalyeeyay Dhigiisa Madaxweynaha dib loo doortay Ee Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 21, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la hadlay dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin si uu ugu hambalyeeyo guushii uu doorashada ka gaaray maalmo ka hor.
     
    Wuxuu sheegay in ay kulmi doonaan si ay isula soo qaadaan tartanka dhanka hubka, xaaladda Ukraine iyo Suuriya.
     
    Putin ayaa si wayn ugu guulaystay doorashada isaga oo helay in kabadan 76% codadkii la dhiibtay, waana markii afraad ee uu guulaysto isaga oo lix sano oo horleh sii hogaamin doona Ruushka.
     
    Laakiin mucaarad xoog badan ma jirin maadaama oo doorashada laga hor istaagay Alexei Navalny oo ahaa hogaamiye mucaarad.
     
    Trump ayaa sheegay in tartanka dhanka hubka ah ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Ruushka “uu gacmaha ka sii baxayo… balse uusan ogolaan doonin in ciddana ay hesho wax ku soo dhaw waxa uu Maraykanku haysto”.
     
    Laakiin kama uusan hadlin mawduuca xasaasiyadda sii kordhaysa ka dhaliyay reer Galbeedka taas oo ay ku sheegeen in Ruushku uu sumeeyay Sergei Skripal oo horay basaas u soo noqday iyo gabadhiisa Yulia oo Britain ku sugnaa.
     
    UK ayaa Ruushka ku eedaysay in uu ka dambeeyay suntan neerfaha waxyeesha ee lagu dilay ninkaas, laakiin Ruushku wuu diiday in uu ku luglahaa arrintaas.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.