Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump Oo Ugoodiyay Dalalka Uu deeqaha Siiyo Maraykanka
    Somalia

    Trump Oo Ugoodiyay Dalalka Uu deeqaha Siiyo Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 21, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.
     
    Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay.
     
    “Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta.
     
    “codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.”
     
    Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.
     
    Qaraarkan qabyada ah ma xusayo Maraykan balse wuxuu leeyahay go’aankaste oo Qudus ku saabsan waa in meesha laga saaro.
     
    Bishan horraanteedii ayay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley uga digtay dalalka xubnaha ka ah in madaxweyne Trump uu waydiistay in ay la soo wadaagto dalalka aan codkooda siinin Khamiista.
     
    Faalo kooban
    waxaa diyaarisay Nada Tawfik oo ka tirsan BBC New, oo ku sugan New York
     
    Madaxweyne Trump iyo safiirad Haley waxay isku dayayaan in ay awood adeegsadaan badalkii dublamaasiyadda si ay dalalka ugu dhaliyaan in ay codkooda la garab istaagaan.
     
    Dhanka Washington hadii laga fiiriyo arrinta in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ayna go’aansadaan in ay safaaraddooda u wareejistaan halkaas waxay u arkaan xaq ay u madax bannaan yihiin.
     
    Balse sidaas ma aha sida ay wax u arkaan dalalka Qaramada Midoobay ku bahaysan.
     
    Diidmada oogu daran waxay si aan qaadansho waa lahayn uga imanaysaa dalalka Maraykanka ka soo horjeeda.
     
    Dhanka kalana dalal xulafo la ah Maraykanka ayaa goodinta Maraykanka ku tilmaamay hanjabaad maran ama aan meelna gaarsiisnayn.
     
    Dublamaasi sare ayaana ii sheegay in ay caddahay in Maraykanka ay ka go’antahay in uu Israa’iil ku garab istaago Qaramada Midoobay, laakiin uu ka shakisan yahay in Washington ay gargaarka ka jari doonto Masar oo soo dhigtay qaraarkii Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhicisoobay kaas oo ku qotama midkan Golaha loo dhan yahayna.
     
    Waxayna u badan tahay in Gollaha Loo dhan uu isku dhan ka mari doono Maraykanka Khamiista, iyadoo caalamka intiisa kale uu Trump u sheegi doono in uusan la qabin go’aanka uu Qudus ka qaatay.
     
    Arrinta Qudus ayaana ah xudunta mashaakilka dhex yaalla Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.
     
    Israa’iil ayaa qabsatay bariga magaalada Qudus oo ay markii hore haysatay Urdun ka dib markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967dii, waxayna u arkeen in ay tahay caasimaddooda aan lakala qaybin karin.
     
    Falastiiniyiintuna waxay sheegtaan in Bariga Qudus ay tahay caasimaddooda muqtaqbalka ayna tahay waxa lagaga wada hadli doono qaybaha dambe ee wadahadallada nabada.
     
     
    Xigasho BBC.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.