Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo uhanjabay Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO
    Somalia

    Trump oo uhanjabay Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 8, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Midowga Africa ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka iyo hoggaankeeda ka difaacay weerar xooggan oo kaga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo Talaadadii ku hanjabay inuu ka joojinayo maal-gelinta.

    “Waxaa aad igaga yaabay inaan ogaaday ololaha dowladda Mareykanka ee ka dhanka ah hoggaanka WHO,” ayuu Moussa Faki Mahamat ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

    “Ururka Midowga Africa wuxuu si buuxda u taageersan yahay WHO iyo Dr Tedros,” ayuu yiri Mahamat, isaga oo tixraacaya agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo u dhashay Ethiopia.

    Isaga oo weriyayaasha la hadlaya ayaa Trump wuxuu Talaadadii sheegay in WHO “ay u muuqato inay u eexaneyso China,” islamarkaana dowladdiisa “ay eegi doonto inay ka joojiso maal-gelinta,”

    Mareykanka waa dalka maal-gelinta uga badan uu ka helo Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

    Trump ayaa si gaar ah u cambaareeyey talada ay WHO kusoo jeedisay inaan la xadidin duulimaadyada caalamiga ah si loola tacaalo faafitaanka cudurka Coronavirus, oo kasoo billowday China.

    Ayada oo uu sii xumaaday faafitaanka cudurka ee gudaha Mareykanka, ayaa China waxay dhalleeceyn xooggan kala kulantay xubnaha Jamhuuriga, oo ku saabsan sida ay ula tacaashay cudurka, waxaana Trump uu shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas.

    Faki ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay isku xiraan jawaabahooda ka dhanka ah faafitaanka cudurka.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.