Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo joojiyay xiriirkii Ganacsi Ee kala dhaxeeyay Ruushka
    Somalia

    Turkiga oo joojiyay xiriirkii Ganacsi Ee kala dhaxeeyay Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 28, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ganacsigii xilli dagaalka ku bulaalay ee Turkiga uu la lahaa Moscow ayaa maanta qaaday tallaabo dib u garasho oo weyn, ayada oo la xaqiijiyey in saddexda banki ee ugu dambeysa ee weli aqbala kaararka lacagta ee Mir ee Ruushka ay joojinayaan kadib cadaadis ka yimid Washington.

    Mir waa kaar Ruushka u sameeyey inuu beddelo u noqdo kuwa Visa iyo Mastercard ee caalamiga ah. Labadan shirkad ayaa joojiyey inay adeegsadaan bankiyada Ruushka kadib duulaankii Ukraine.

    Go’aanka bankiyada Turkey ayaa yimid kadib toddobaadyo diginin cad ah oo Mareykanka uu ugu jeedinayey Turkey, oo ay xulufo ku yihiin NATO, inay xadido xiriirka dhaqaale ee kala dhaxeeya Ruushka ama wajahdo halista cunaqabatayn.

    Waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in bankiyada Turkish-ka ee la shaqeynata kaararka lacagta ee bankiga Mir ee Ruushka “ay halis ugu jiraan inay taageeraan dadaallada Ruushka uu kaga baxsanayo cunaqabataynada.”

    Laba banki oo Turkish ah oo gaar loo leeyahay oo billaabay inay aqbalaan kaararka Mir kadib markii uu madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan uu bishii August la kulmay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa joojiyey hooraantii bishan.

    Hase yeeshee saddex banki oo dowladda ay leedahay oo kala ah — Halkbank, Vakifbank and Ziraatbank — ayaa weli la shaqeynayey kaararka Mir.

    Sarkaal sare oo Turkish ah ma sheegin xilliga ay dadka Ruushka awoodi doonin inay kaararkooda ku isticmaalaan Turkiga.

    Saddexda banki weli “waxay weli ku howlan yihiin bixinta lacagaha taagaan, balse waxay gooyeen taariikh ay ku joojinayaan,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira in saddexda banki aysan weli si rasmi ah ugu dhowaaqin.

    Go’aankan ayaa daba socda kulan uu guddoominayey Erdogan oo dhacay Jimcihii tegay kaasi oo diiradda lagu saaray “beddelka” kaararka Ruushka.

    Ganacsiga Turkey kala dhaxeeya Ruuska oo bulaalay toddobadii bil ee uu socday dagaalka Ukraine ayaa aad uga careysiiyey Washington.

    Qiimaha ganacsiga labada dal ayaa sare u kacay in ka badan 50 boqolkiiba. Turkey ayaa sidoo kale ogolaatay in 25% gaaska dabiiciga ah ee ay kasoo dhoofiso Ruushka ku iibsato lacagta ruble-ka.

    Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Wally Adeyemo ayaa bishii June wuxuu booqasho naadir ah ku tegay Ankara iyo Istanbul si uu u muujiyo walaaca ay Washington ka qabto in ganacsatada iyo shirkadaha waa weyn ee Ruushka ay shirkado Turkish ah u adeegsanayaan inay uga baxsadaan cunaqabataynta Reer Galbeedka.

    Kadib, Waaxda Maaliyadda ayaa bishii August waxay warqad u dirtay bankiyada iyo shirkadaha Turkish-ka ugana digtay inaysan rajeyn inay “adeegsadaan dollar-ka Mareykanka iyo lacagaha waa weyn,” haddii ay sii wadaan inay la ganacsadaan Ruushka la cunaqabateeyey.

    Turkey ayaa isku dayday inay dhex-dhexaad ka noqoto dagaalka Ukraine waxayna diiday inay ku biirto cunaqabataynta Reer Galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka.

    Kaararka Mir ayaa u ogolaada malaayiin Ruushiyaan ah oo sanad kasta u dalxiisa Turkey inay isticmaalaan akoonadooda banki ee lacagta ruble-ka kuna iibsadaan wax kasta haddii ay noqon laheyd hoteellada ay degan yihiin illaa maqaayadaha.

    Waxay sido kale muhiim u yihiin mowjado cusub oo dad Ruushiyaan ah oo usoo qaxaya Turkey si ay uga baxsadaan in ciidanka lagu daro.

    Hase yeeshee, falanqeeyayaasha ayaa xusay isbeddel u muuqda inay Turkey uga fogaaneysay Russia toddobaadyadii tegay.

    Ankara ayaa toddobaadkii tegay si xooggan u cambaareysay codbixin “sharcidarro ah” oo Kremlin-ka uu qiil uga dhigan rabo inuu ku darsado afar gobol oo Ukraine ka tirsan oo qeyb ahaan ay hadda maamulaan militariga Ruushka.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.