Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ugu danbayn Hubkii oo noqday sharcidarro 100% cid kastana isaga carartay.
    Puntland

    Ugu danbayn Hubkii oo noqday sharcidarro 100% cid kastana isaga carartay.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 20, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    PL saakay ayay ku dhaqaaqaysaa qorshaha dajinta Markabka,sababtoo ah,waa la waayay Hubkaas cid sheegata.

    Dawlada Turkiga oo Hubkaas Dalkeeda laga soogaday waa inkirtay,markii hore Safaarada Turkiga ee Muqdisho,ayaa war bixin laga sugayay,iyadoo shalay qabsatay balan iyo codsi si ay arintaas uhubiso,waxayse Saaka ogaatay in Hubkaas Dalkeedu soo saari,balse uusan ku socon sifo sharciya oo uu yahay Hub Ganacsato Xasan Shiikh wakiil u ah Hubkaas ay leeyihiin.

    “Turkiga Hubkan loogama soo gadin magaca DFS,taasoo haduu Turkigu sheegto uu dhib kala kulmayo,sigaar ah Danihiisa Somaliya iyo xeerka Caalamiga ah”.

    Dhanka kale Deeq mahan oo hadii Hubkan deeq ahaan lahaa Turkigu Maraakiibtiisa,ayuu kusoo qaadi lahaa ama diyaaradihiisa wuuna sheegan lahaa markii la qabtay.

    DFS ee Xasan hogaamiyo Hubkaas iyadu masoo gadan oo mulkiyadiisa maleh xitaa magaceeda laguma soo gadin,kaliya Ganacsato siisay Qandaraas,ayaa soogatay haday sheegato waxay dhex istaagaysaa fadeexad iyada iyo Sxb-keeda Turkiga galaafta.

    Somaliya oo cuno qabatayn Hubeed saarnayd 3-dii Sano ee Xasan talada hayay Malaayiin jeer,ayaa Hub lasoo galiyay,iyadoo Hubkaas qaar la dhacay,qaar argagixisadu qabsatay,qaarna Beelo lagu Hubeeyay.

    Dhacdooyinkan,waa kuwo keenaya in dib u eegis lagu sameeyo Cunaqabatayntii Hubka ee markii hore qaadisteeda lagu degdegay,iyadoo Somaliya aysan udiyaarsanayn.

    Xasan iyo kooxdiisa,waxay mudan yihiin in lagula xisaabtamo Hubkaas faraha badan ee ay soo galiyeen Dalka.

    Sidoo kale Dowlada Turkiga iyo dhaqdhaqaaqeeda Somaliya,wuxuu mudan yahay in Il gaar ah lagu hayo.

    Ugu danbayn Hubkan,waa sharcidarro 100%,wuxuuna noqday mid jiha kasta isaga carartay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.