Markabkii siday Hubka ee lagu qabtay Xeebaha PL,gaar ahaan Xeebta Bareeda ee Gobolka Raascaseyr.
Markabku,wuxuu soo gaaray Dekeda,wuxuuna toos ugu soo xirtay Dekeda,iyadoo la amray in la dajiyo oo laguna xareeyo Hubka saaran Xerada Ciidamada Badda PL.
Xogtan danbe ee sheegaysa in la amray dajinta Markabka,waa mid hada soo baxday oo ah isbadal cusub.
Warkan sheegaya in Markabka Hubka saaran laga dajinayo ,waxaa aad ugu diirsanaya Shacabka PL ee sida weyn utaageersan Xukuumada Mw Deni.
In Hubkan lasii daayo Xukuumada iyo Mw Deni,waxay ku luminayaan taageerada Shacabka PL ee qiiraysan,waxaana muuqata in Shacabka PL ka fogaadeen Siyaasada iyo Siyaasiyiinta Xamar.





