Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»UK oo direysa dagaalka Ukrain 8,000 oo Askari
    Somalia

    UK oo direysa dagaalka Ukrain 8,000 oo Askari

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 29, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda UK ayaa Jimcaha sheegtay inay 8,000 oo askari u direyso bariga Yurub, halkaasi oo ay ku sameyn doonaan dhoolatus lagu muujinayo awood kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.

    Dhoolatuskan oo muddo bil ah ka socon doona dalal teedsan Finland illaa North Macedonia ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah dalal xulufo la ah UK, sida France iyo Mareykanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen saraakiisha difaaca.

    Britain ayaa sidoo kale direysa 72 taanki oo ah nooca Challenger 2 iyo 120 gawaari dagaalka ah, oo ay wehliyaan qoryaha lidka diyaaradaha, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha laheyn oo ka qeyb-galaya dhoolatuska.

    “Ammaanka Yurub marnaba kama muhiimsaneyn sida hadda uu yahay,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca UK Ben Wallace, oo tallaabadan ugu yeeray “mid ka mid daadgureynadii ugu weynaa ee si wadajir ah loo sameeyo tan iyo Dagaalkii Qaboobaa.”

    Taliyaha ciidamada UK, Sareeye Guuto Ralph Wooddisse ayaa sheegay in UK “ay kaalin muuqata ka qaadaneyso difaaca Yurub iyo ka hortagga gardarrada Ruushka.”

    “Dhoolatusyada taxanaha ah ee ciidamada Britain waa u muhiim labadaas ba.”

    Britain oo gantaallo siisa Ukraine si ay isaga difaacdo duulaanka Ruushka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sidoo kale ku caawiso taankiyo iyo diyaarado ayada oo u marineysa dalal saaxiibo la ah sida Poland.

    Xoghayaha arrimaha dibedda Liz Truss ayaa Arbacadii sheegtay inay qasab tahay in la xoreeyo “Ukraine oo idil,” oo ay ku jirto Crimea kadib markii jaziirad u yaalkan uu Ruushku qabsaday 2014.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.