Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Uk oo iska fogaysay faragalin ay ku samaysay doorashada Kenya
    Somalia

    Uk oo iska fogaysay faragalin ay ku samaysay doorashada Kenya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 23, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wakiilka sare ee dalka Britain u fadhisa Kenya, Jane Marriott ayaa meesha ka saartay eedeymaha ah in dalkeeda uu faragelin ku sameeyey doorashadii guud ee Kenya ee dhawaan la soo gaba gabeeyay.

    Ms Marriott ayaa ka falcelinaysay eedaymo kaga yimid dhanka baraha bulshada oo sheegaya in ay cadaadis ku saartay guddiga doorashada in ay ku dhawaaqaan William Ruto in uu yahay madaxweynaha la doortay kadib doorsadhadii madaxweynaha ee muranka dhalisay.

    Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa baahiyay sawirro aan la xaqiijinin oo ku tusinaya Ms Marriott oo gacanta ku salaamaysa Mr Ruto iyo guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati.

    Qoraalo taxane ah oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka, ayey Ms Marriott ku sheegtay in UK “aysan taageersanayn, aysanna lahayn aragti u gaar ah ee ku aadan murashaxiinta ama xisbiyada “, iyadoo ku tilmaantay sheegashada “xog khaldan”. “Hoggaamiyaha ay dadka Kenya dooranayaan waa arrin u taalla shacabka Kenya. Waxaan la kulannay dad ka kala socda dhinacyada siyaasadda si aan u sharaxno barnaamijyada UK iyo iskaashiga ay la leeyihiin Kenya, oo ay ku jiraan hay’adaha madaxa bannaan,” ayay tiri.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.