Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Uk oo yeelatay Ra’isalwasaare cusub
    Somalia

    Uk oo yeelatay Ra’isalwasaare cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 5, 2022Updated:September 5, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Liz Truss ayaa noqotay doonta ra’iisul wasaarihii 56-aad ee UK kadib markii ay ka guuleysatay Rishi Sunak, tartanka hoggaanka Tory-ga 81,326 oo xubnaha xisbiga ah ayaa u codeeyay.

    Liz Truss waa ra’iisul wasaarihii 56-aad ee Britain iyo ra’iisul wasaarihii saddexaad ee dumar ah ee hogaamisa dalka. Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dumar ahaa Margaret Thatcher iyo Theresa May, ayaa sidoo kale ka tirsanaa xisbiga Conservative Party.

    Raisulwasaaraha cusub, ayaa la filayaa inay si degdeg ah ugu dhawaaqdo kabid- taageero ah oo lagula tacaalayo biilasha tamarta ee sii kordhaya. (Energy bills)

    UK, waxaa ka taagan dhibaato nololeed ee nolosha qaaliga ka dhigay iyo sicir barar iyadoo wadarta kharashka biilka kor u kacay ilaa 16 milyan oo qof ayaa u nugul kororka xad-dhaafka ah ee ku dhacay Tamara iyo sare u kaca nolosha asaasiga ah vulnerable people)

    Warbixin degdeg ah oo Baarlamanka ah oo ku saabsan dhaqaalaha ayaa sidoo kale la filayaa toddobaadkan, iyada oo dejinaysa qorshaheeda ay ku dhimayso canshuuraha si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha.

    4pm: Waxay iman doontaa aqalka Downing Street waxayna jeedin doonaan khudbaddii ugu horeysay ee ra’iisul wasaare.

    Gelinka dambe ee Talaadada: Ra’iisul wasaaraha cusub wuxuu sameeyaa magacaabista golaha wasiirada wuxuuna kulamo kale la qaataa shaqaalaha rayidka ah (Civil servants)

    Raisulwasaaraha la doortay, Waxay heli doontaa numberka sirta ee nukliyeerka (Nuclear Code) oo ay u qori doonaan “waraaqaha Mashiinka u dambeeya” taliyeyaasha maraakiibta quusta ee Trident-sida oo leh tilmaamo ku saabsan waxa la samaynayo haddii ay dhacdo in Britain iyo dawladeeda lagu baabi’iyo weerar nukliyeer ah.

    Fiidnimada Talaadada: Hogaamiyaha cusub waxa uu telefoon hambalyo ah ka qaadan doonaa madaxda adduunka. Ms Truss ayaa sheegtay in wicitaankeeda ugu horreeya uu noqon doono dalka Ukraine.

    Boris Johnson ayaa u safraya magaalada Balmoral ee ay ku sugan tahay Boqorada isaga iyo Raisulwasaraha cusub, Talaadada, halkaas oo uu si rasmi ah istiqaaladiisa ugu gudbin doono Boqorada.

    Doorka boqoradda ee magacaabista ra’iisul wasaaraha waa mid ka mid ah awoodaheeda gaarka ah. Kuwani waa awoodaha baaqiga ah (Residual Power) ee u haray madax-banaanida oo aan meel kale la dhigin. Inta badan awoodahaas waxaa u adeegsada magaceeda wasiiradeeda, laakiin awoodda magacaabista ra’iisul wasaarayaasha ayaa weli waxaa leh boqoradda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.