Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ukrain:-Ruushka oo ku laayay Iskuul Arday Fara badan
    Somalia

    Ukrain:-Ruushka oo ku laayay Iskuul Arday Fara badan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 9, 2022Updated:May 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Darsanno dad ah oo reer Ukraine ah ayaa laga cabsi qabaa inay Axaddii dhinteen ka dib duqeyn Ruushka ka timid oo keentay in iskuul ay ku jireen ilaa 90 arday uu dhulka la sinmo, kaas oo ku yaallay bariga dalka Ukraine.

    Guddoomiyaha gobolka lagu muransan yahay ee Luhansk, halkaas oo dagaallo qaraari ay toddobaadkyo ku dhex mareyeen ciidanka Ruushka iyo xoogagga Ukraine, ayaa sheegay in 30 qof laga soo badbaadiyey goob ku taalla Bilohorivka, hase yeshee, kuwo kale oo iskuulka ku jiray ay u badan tahay in aanay badbaadin.

    “Sida ay u badan tahay, dhammaan 60 qof oo burburka ku soo hoos jira hadda way dhinteen,” ayuu yiri guddoomiye Serhiy Haidai, mar uu fariin ku qoray boggiisa Telegramka. Waxa uu intaas ku daray in duqeymaha Ruuhsku ay sidoo kale dileen labo wiil oo da’doodu kala ahayd 11 iyo 14, kuwaas oo ku sugnaa magaalada goobtaas ka ag dhow ee Pryvillia.

    Duqeymihii u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Donbas ayaa yimid xilli Ruushku si aan kala go’ lahayn uu weerar ugu hayey bariga Ukraine si uu u muujiyo guul dhinaca dhulka ah. Tallaabadan ayuu qaaday ka hor maalinta Isniinta berri ah oo ku beegan fasaxa Maalinta Guusha oo uu xuso markii Ruushku uu jabiyey Naasigii Jarmalka, xilligii dagaalkii 2aad ee dunida

    Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield ayaa barnaamijka State of the Union ee telefishinka CNN u sheegtay in aanay jirin wax “Ruushku uu u dabbaaldego”, dagaalka uu Ukraine ku qaadayna “uu ku guuleystay oo kaliya inuu dunida kale go’doon ka noqdo.”

    hinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa booqasho aan horay loo shaacin ku tagey magaalada Kyiv oo uu kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ka dibna waxa uu dib u faray safaaraddii Canada ee magaalada ay dagaaladu aafaayeen.

    Danjiraha Maraykanka ee Ukraine, Kristina Kvien iyo diblomaasiyiinta safaaradda ayaa iyaguna dib ugu noqday magaalada Kyiv, iyaga oo isu diyaarinaya in dhawaan ay dib u furaan safaaraddii Maraykanka ee magaalada Kyiv.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.