Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»UNSOM Oo war kasoo saartay kulankii Deni iyo Swan
    Somalia

    UNSOM Oo war kasoo saartay kulankii Deni iyo Swan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wakiilo kala matalayay Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Gobaleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta booqasho ku tegay Puntland, waana kulankii afaraad ee kamid ah kulamo wadatashi ah oo taxane ah oo ka kala dahacayay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

    Annagoo sugeyna sanadka 2020ka, iyo sida uu u noqon doono sanad muhiim u ah Soomaaliya, ayaan dalka oo dhan kulamo kula yeelanaynay dad kaladuwan oo ay hawshu khusayso, si aan u dhageysanno aragtiyadooda ku aaddan sida sanadka soo socdo lagu gaari karo arrimaha muhiimka ah ee hortabinta qaran leh.

    Arrimahaas waxaa ku jira diyaarinta doorashooyin ‘qof-iyo-cod’ ah, dhameystirka Dastuurka Federaalka ah, sii socoshada horumarka ku aaddan [xaqiijinta] deyn cafinta, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Wakiilada beesha caalamka qaarkood ee taageerada dhinacyada badan leh u fidiya Soomaaliya waxay halkan Puntland u yimaadeen inay ogaadaan aragtiyada ay qabaan madaxda Puntland, odayaal dhaqameedyada iyo bulshada rayidka ah. Kulamo wadatashi ah oo lamid ah kulankan ayaan horay ulasoo yeelannay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Jubaland iyo madaxda qaranka iyo Madaxweyne Xaaf ee Galmudug.

    Wadatashiyadan ayaa ahaa fursad aan si toos ah uga dhageysaneynay dadka ay hawshu khusayso sida loo xaqiijin karo arrimaha hortabinta qaran u leh Soomaaliya, iyo sida looga gudbi karo caqabadaha. Waxaan dadka Puntland uga mahad celinaynaa soo dhoweynta diiran ee ay noogu sameeyeen Garowe annagoo soo gunaanadayno booqashooyinkeenna.

    Sanadka 2020ka wuxuu Soomaaliya u noqon karaa sanad taariikhi ah haddii dhammaan madaxda Soomaaliyeed, hay’adohooda iyo bulshadaba ay ka wada hadlaan halkii loo dhaqaaqi lahaa.

    Waxaan sii wadi doonnaa in aan Soomaaliya ku garab istaagno sidii lagu xaqiijin lahaa in sanadka 2020ka uu noqdo sanad taariikhi u ah dalka, iyo in uu noqdo sanad u suurto geliya Soomaaliya inay horey ugusii socoto tubteeda hore-u-socodka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.