Ciidamada AMISOM ayaa saaka bilaabay inay ka guuraan mid ka mid ah fariisimihii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhismaha Jaamacaddii Gaheyr ee ku taal degmada Wadajir.
Dhismaha Jaamacaddan ayaa muddo 10 sano ku dhow ay degenaayeen Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi, waxaana lagu wadaa in lagu wareejiyo Ciidamo Boolis.
Guuritaanka Ciidamada AMISOM ee fariisinkooda Jaamacadda Gaheyr ayaa saameyn ku yeelatay isu socodka gaadiidka, iyadoo loo xiray waddooyin dhowr ah, sida dhanka wadada aada Afgooye.hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka