Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay wax ka badal lagu sameeyay Xeerar muhiim ah+Sawirro
    Puntland

    VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay wax ka badal lagu sameeyay Xeerar muhiim ah+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 19, 2019Updated:November 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta ku yeeshay xaruntooda Garoowe, ayaa Dood ka yeeshay  wax ka badal lagu sameeyay Xeerar labo ah, kuwaas oo kala ah

    1. Wax ka bedelka Xeerka Maalgashiga Dowlada Puntland.
    2. Wax ka bedelka Xeerka Cashuuraha Dowlada Puntlnad.

    Kulanka oo ay soo xaadireen 38 Xildhibaan ayaa dood kaddib, waxaa cod gacan taag ah ay 33 Mudane ku ansixiyeen xeerka wax kabadelka Canshuuraha, halka 4 mudane ay ka aamuseen, 1 mudane ahna uu diiday, sidaasna uu xeerkaani ku ansaxay.

    Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa ansixiyey wax kabadelka Xeerka dhiirigelinta Maalgashiga Dowladda Puntland, waxaana kulan oo ay fadhiyeen 40 Xildhibaan cod gacan taag ah ku ansixiyey 33 mudane, waxaa ka aamusay 4 mudane, halka 3 Mudane ay diideen.

    Dhanka kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intii ay ku guda-jireen fadhigooda maanta la hor geegay Miisaaniyada Dowladda ee 2020-ka, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Abgaal ayaana Golaha ka hor Akhriyey warbixin la xiriirta Miisaaniyada, waxaana sidoo kale Golaha loo qaybiyey Buugga Miisaaniyadda si ay u soo Akhriyaan.

    https://www.youtube.com/watch?v=yqn3HqupV0A&t=3s
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.