Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Beesha caalamka oo ka hor timid mudo kordhinta Golaha Wakiilada Somaliland
    Somalia

    Video:-Beesha caalamka oo ka hor timid mudo kordhinta Golaha Wakiilada Somaliland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Beesha Caalamka ayaa maanta war ay soo saartay ku sheegtay inay ka walaacsan yihiin go’aankii uu Golaha Guurtida ee Somaliland 24-kii bishan muddo laba sano ah ugu kordhiyay waqtiga Golaha Wakiilada.

    War-saxaafadeedkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiskii ay xisbiyada Somaliland gaareen bishii July ee sanadkan uu ahaa mid ahmiyad leh oo lagu go’aamiyey in la qabto doorashooyinka xubnaha baarlamaanka iyo kuwa golaha deegaanka iyo in lagu heshiiyay in doorashooyinkaas lagu qabto sida ugu dhaqsa badan ee suurtogal ah, siyaasad ahaan iyo farsamo ahaanba.

    “Waxaan ka walaacsanahay in dhacdooyinkan ay si aad ah u wiiqayaan heshiisyadaas taasi oo dhaawacaysa sumcadda dimuqraadiyadda Somaliland. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahhay dhacdooyinka uu xarrigu ka mid yahay oo u muuqda kuwa aan sharciyad laheyn iyo xayiraadaha sii kordhaya ee xoriyadda hadalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Qoraalka ayaa intaas ku daray “Si gaar ah ayaan uga walaacsanahhay go’aanka ay golaha Guurtidu muddo xileedkii ugu kordhiyeen labada aqal ee Baarlamaanka oo Golaha Wakiilada loo kordhiyay ilaa bisha January ee 2022-ka iyo Guurtida ilaa bisha January ee 2023-ka.”

    “Labadan aqal ee loo aas-aasay iney matalaan shacabka reer Somaliland ayaa kuraastooda fadhiya muddo aad u dheer, taasi oo ka soo horjeeda heer kasta oo dimuqraadiyadeed ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Goleyaasha deegaanku waxay shaqeynayeen iyagoo aan haysan sharciyad ilaa bishii april ee sanadkan ayay sii raaciyeen hadalkooda.”

    Qoraalkan ayaa lagu yiri, “waxaan ugu yeereynaa dowladda, iyo jilayaasha siyaasaddaba iney dib u xaqiijiyaan heshiisyadii soo jireenka ahaa, ayna la yimaadaan is-afgarad, iyo tanaasul si ay xal uga gaaraan jahwareerka siyaasadeed ee taagan islamarkaana suurtogeliya in doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka iyo kuwa golaha deegaankaba lagu qabto xilligii la qorsheeyey ee ah dhamaadka sanadka 2020-ka aysanna dhicin wax dib u dhigis ah.”

    Ugu danbeyn qoraalka ayaa lagu yiri, “Waxaan bogaadineynaa dedaalada dhexdhexaadineyd ee soconaya, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa in si aan u taageerno hanaanka doorashada, waa in ay ahaataa mid hrmarineysa siyaasad loo dhan yahay iyo intiraam buuxa oo sharciga ah. Waxaa loo baahan yahay in la helo Guddi Doorasho oo hanta aamminaadda dhamaan dhinacyada siyaasadeed iyo midda shacabka Somaliland. Kaliye hay’ado qaran oo si dimuqraadiyadi ku jirto loo doorto ayaa keeni horseedi kara horomarka ay shacabka Somaliland mudan yihiin.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.