Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Boqorkii Kubada Cagta Pele oo Geeriyooday
    Somalia

    Video:-Boqorkii Kubada Cagta Pele oo Geeriyooday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 30, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqorkii Kubadda Cagta ee reer Brazil, Pele,ayaa geeriyooday isaga oo da’diisu ay tahay 82 jir. Pele ayaa saddex jeer ku guulaystay koobka Adduunka, isaga oo ka mid ahaa, ciyaaryahanaddii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta.

    Pele ayaa cusbitaal ku jiray, tan iyo dhammaadkii bishii November, waxaana dhakhaatiirtiisu ay sheegeen inuu Pele, la ildarnaa xanuunka cancer-ka, iyo xanuuno kale oo ugu darsamay oo ka haleelay dhinaca kelyaha iyo wadnaha.

    Bishii September ee sannadkii 2021, waxaa lagu sameeyey Qaliin lagaga jarayey Buro uu keenay xanuunka Cancerku.

    Pele,ayaa markii uu jiray 16 jir wuxuu ku biiray xulka qaranka ee dalka Brazil, isaga oo sannadkii 1958-kii ku guulaystay koobkii adduunka ee dhacay 1958. Pele ayaa illaa haatan ahaa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee goal ka dhaliya tartannada koobka adduunka ee ragga.

    Pele ayaa markii uu ciyaaraha ka fadhiisanayey, 92 kulan oo caalami ah oo uu saftay wuxuu dhaliyey illaa 77 goal. FIFA ayaa intaas wixii ka dambeeyey waxay ay u xulatay Pele iyo Maradona inay ahaayeen labada ciyaaryahan ee qarniga.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1608620374039855105?t=4DKcWxn5AV4MOqXQafm_vA&s=19
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.