Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Corona Virus oo faraha kasii baxaya
    Somalia

    Video:-Corona Virus oo faraha kasii baxaya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Cudurka Coronavirus ee ka dillaacay dalka Shiinaha ayaa faraha kasii baxaya, ayada oo dhimasha ay gaartay 563 qof, halka kumanaan kale ay la il-daran yihiin, duniduna ay ka argagaxsan tahay.

    In ka badan 28,000 qof ayuu cudurka illaa iyo hadda ku saameeyey dalka Shiinaha, ayada oo mas’uuliyiinta ay la xarbinayaan inay xakameeyaan fiditaankiisa, xitaa haddii ay malaayiin qof ku qasbeen inaysan guryahooda kasoo bixin.

    In ka badan 20 dal ayaa xaqiijiyey inay heleen kiisaska cudurkan kuu dhaca habdhiska neefsashada ee dabayaaqadii sanadkii tegay kasoo shaac baxay gobolka Wuhan ee Shiinaha.

    Dhinaca kale kumanaan qof oo saaran maraakiib dalxiis oo ku kala sugan xeebaha Hong Kong iyo Japan ayaa wajahaya sugitaan walaac leh oo ku saabsan haddii cudurkan uu saameeyey iyo in kale.

    Ugu yaraan labaatan qof oo saaran markabka Diamond Princess ayaa illaa iyo hadda laga helay cudurka, taasi oo qasabtay in 3,700 oo qof oo markabka saaran, islamarkaana kasoo kala jeeda 50 dal, lagu celiyo markabkan oo yaalla xeebta Yakohoma ee Japan.

    Sidoo kale, 3,600 oo qof oo saaran markabka World Dreams ee yaalla xeebta Hong Kong, ayaa la marinayaa tijaabo caafimaad, kadib markii saddex qof oo horey markabka usoo raacay laga helay cudurka.

    Cudurkan ayaa lagu macneeyey xaalad deg deg oo caalami ah, taasi oo ku qasabtay dalal badan inay muwaadiniinta uga digaan inay tagaan Shiinaha, halka qaarkoodna ay mamnuuceen dadka ka imanaya dalkaas.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.