Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Daawo heshiiskii Jigjiga ee ay Dawlada Fadaraalku u cuskatay dhiibista Qalbidhagax
    Somalia

    Video:-Daawo heshiiskii Jigjiga ee ay Dawlada Fadaraalku u cuskatay dhiibista Qalbidhagax

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 7, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadashay go’aankii Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, oo ah sarkaal ka tirsan ururka ONLF, loogu dhiibay dowladda Ethiopia.

    Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxa uu abaabulayey [Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax] falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab”

    Shirka golaha wasiirada ayaa waxaa sidoo kale la horkeenay, sida qoraalka lagu sheegay “nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07-dii Juun 2015-kii, kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada ee dowladdiii Xasan Sheekh Mahad Maxamed Salaad”

    Sida qoraalka lagu sheegay, heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.

    Golaha wasiirada ayaa sidoo kale shaaciyey inuu jiray, oo maanta la horkeenay heshiis la saxiixay 2-dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal,hooos ka daawo muuqaalka o faahfaahsan.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.