Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Daawo Madaxweyne Gaas oo xariga kaga jaray wadooyin casriya caasimada Garowe
    Somalia

    Video:-Daawo Madaxweyne Gaas oo xariga kaga jaray wadooyin casriya caasimada Garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 10, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taarikhdu tahay 10 June 2018 ayaa waxa uu xadhiga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Dowladda Puntland, waddadaas oo laga hirgeliyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa ku weheliyey xafladda furitaanka waddada Wasaaraddaha Dowladda Puntland maamulka dagmada Garoowe, qaar kamida golaha xukuumadda, saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland, Ganacsato iyo Marti sharaf kale.

    Waddadan cusub ee Wasaaraddaha ayaa dheerakeedu yahay 1.5 KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa 200,000$, iyadoona  ay dhistay shairkad laga leeyahay Dowladda Turkiga,shirkaas oo ah shirkadii dhistay Garoonka diyaarada magaalada Garoowe ee Gen. Mohamed Abshir.

    Dhismaha Waddada ayaa waxaa lagu dhisay barnaamijkii dawladda Puntland ee isku tashiga waxaana bixsay Dawladda Puntland dhammaan kharshkii ku baxay hirgelinta mashruucan oo kamid noqonaya wadooyinka ugu bilicda wanaagsan guud ahaan Puntland marka lafiiriyo tayada dhismaha waddada iyo nashqadayntaba.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xadhig jarkii waddada Waasaaraddaha ayaa sheegay in waddadan ay tahay wado halbowle ahoo faa’iidooyin badan wadanka kusoo kordhindoonta oo ay ugu horyso bilicda iyo isku socodka gaadiidka.

    “Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo intii kale ee kala qayb qaadatay hirgelinta dhismaha waddadan aadka u quruxda badan oo aan isleeyahay inay tahay wadooyinkii magaalada horey uga jiray mid aad uga tayo wanaagsan, ugana qiima badan, waan ku faraxsanahay daahfurka waddadan aad u jeedaan bilicda kamuuqata iyo sida loo dhisay iyo farsamada, tayada waddo ee meesha kamuuqata, aad iyo aad bay noo cajab gelinaysaa kuna faraxsanahay”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

    Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay waddadan in ay ku timaaday isku tashigii Dowladda Puntland, wax badana lagu qabtay isku tashigaa uuna rajeenayo in wax badan oo  danbe lagu qaban doono Insha’Allaah, isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in dadka latuso inay wax qabsan karaan ayagoon cid kale wax kasugin.

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.