Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dowlada Muqdisho”Ma aqoonsan doono natiijada doorashada Jl kasoo baxda…”
    Somalia

    Video:-Dowlada Muqdisho”Ma aqoonsan doono natiijada doorashada Jl kasoo baxda…”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay walaac ka qabto hanaanka doorashada lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Jubbaland.

    Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa lagu sheegay inay Jubaland ka soo gaarayaan cabashooyin, beelaha, siyaasiyiinta, murashixiinta iyo shacabka Jubbaland ay ka qabaan hanaanka lagu soo xulay odayaasha, qaabka loo keenayo xildhibaanada iyo sida lagu maamulayo doorashada.

    Dowadda ayaa ka dalbatay maamulka Jubbaland in liiska odayaasha dhaqanka ee xildhibaanada soo xulaya la waafajiyo diwaanka dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka.

    Waxaa kaloo ay ka dalbatay in marka hore la dhameystiro soo xulista xubnaha Golaha Wakiilada Baarlamanka Jubbaland, ka dibna baarlamanka cusubi iska dhex doorto, guddiga doorashooyinka Gudoonka Golaha, iyo Madaxweynaha, iyo in dorashadu ku dhacdo hanaan daah furan oo xor iyo xalaal ah.

    Dowladdu waxey sheegtay in natiijo kasta oo ka soo baxda doorashadaasi aan la aqoonsan doonin, haddii sida hadalka loo dhigay, aysan marin habraac doorashada ee dowladda federaalka.

    Arrintan ayaa sii xoojineysa khilaafka ka taagan hannaanka doorasho ee Jubbaland, iyadoo horay dowladda Federalka uga soo horjeesatay qaabka wax u socdaan, Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo Maamul Goboleedka IGAD-na ay dalbadeen in doorashadu ay noqoto mid madax banaan oo dadka tartamayaa ay helaan xoriyad,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Facebook Forum

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.