Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Frankfurt oo isu diyaarinaysa Bam ka haray Dagaalkii Labaad ee Adduunka in la qarxiyo
    Somalia

    Video:-Frankfurt oo isu diyaarinaysa Bam ka haray Dagaalkii Labaad ee Adduunka in la qarxiyo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 3, 2017Updated:September 4, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tobannaan kun oo qof oo ay ku jiraan bukaano lagu hayay isbitaallada magaalada Frankfurt ayaa waxaa laga daadgureeyey magaaladaasi, taas oo noqonaysa middii ugu ballaarneyd tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Magaalada ayaa isu diyaarinaysa in la qarxiyo bam ka haray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyadoo durbadiiba ay tobannaan kun oo qof ay guryahooda faarujiyeen.

    Goobaha dadka laga daadgureeyay waxaa sidoo kale ka mid ah isbitaalada iyo dhismaha Bangiga Dhexe ee dalkaasi Jarmalka oo ay yaalaan tobannaan bilyan oo doolar oo dahab ah.

    Dadka bukaanka ah ee ku jiray qeybaha xaaladda deg degga ee isbitaalada ayaa ahaa dadkii ugu horreeyay ee halkaa laga saaro, waxaana booliska ay haatan adeegsanayaan qalab casri ah oo ay ku xaqiijinayaan in dhammaan guryaha la faarujiyay.

    Gudaha dalka Jarmalka waxaa daadsan boqolaal kun oo ah bambooyinka gantaalo cul-culus oo aan qarxin, kuwaasi oo loo adeesanayay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Khubarada ayaa waxa ay sheegayaan in ay tobannaan sano qaadaneyso in dhammaan walxahaasi qarxa laga saaro dalka Jarmalka.

    Bamkan sababay in dadka laga daadgureeyo guryahooda ayaa xilligii Dagaalka Labaad ee Adduunka waxaa halkaa ku tuuray diyaaradaha ciidamada cirka ee dalka Britain.

    Horraantii usbuucan ayaa si lama filaan ah waxaa bamkan laga helay goob ku taala Jaamacadda Frankfurt oo uu dhisme ka socday.

    Bishii la soo dhaafay ayaa lagu qasbanaaday in la daadgureeyo carruur yar yar oo dhinagayay iskuul kaddib markii macalin uu halkaa ku arkay labo bam oo aan wali qarxin.

    Boolisku waxa uu sheegay in arday ka mid ah ardayda iskuulka ay bambooyinkaasi soo qaadeen oo ay iskuulka dhex keeneen.

    65 kun oo qof ayey tahay qorshuhu in laga daad gureeyo gudaha Frunkfort ka hor inta aan bamkaasi la qaxrin,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.