Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Golaha Wasiirada Fadaraalka oo maanta shirkoodii khamiislaha ahaa uga dooday arimo muhiim ah
    Somalia

    Video:-Golaha Wasiirada Fadaraalka oo maanta shirkoodii khamiislaha ahaa uga dooday arimo muhiim ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 17, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sharciga la Dagaalanka Argagaxisada, go’aan laga gaaray dhismayaasha u dhow dhabaha diyaaradaha ku soo degaan, warbixino laga dhageystay Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka iyo arrimo kale.

     Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada oo sheegay si garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Adan Cadde uu u noqdo mid hela aqoonsiga caalamiga ah loo baahanyahay in la banneeyo 150 mitir dhan walba ee dhabaha diyaaradaha ku soo degaan (runway). Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in si deg-deg ah looga guuro oo loo banneeyo 150 mitir.

    Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa Golaha Wasiirada siiyey warbixin ku aadan horumarka 100kii maalmood ee Maamulka Gobolka uu ku tallaabsaday sida xasilinta amniga, nadaafada, dhismaha waddooyinka sida 30ka, Xawo Casir, awood-siinta dumarka, dhiirigelinta dhalinyarada, is-dhexgalka bulshada, daahfurka aragtiwadaaga Maqaamka Muqdisho iyo arrimo kale. Golaha Wasiirada ayaa Guddoomiye Taabit ku ammaanay dadaalkiisa una ballanqaaday wadashaqeyn buuxda oo dhanwalba ah.

    Hanti-Dhowrka Guud Mudane Maxamed Maxamud Cali ayaa warbixin kooban ka siiyey Golaha Wasiirada xaalada xafiiskiisa, qorsheyaasha uu rajeynayo inuu ku horumariyo xafiiska. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada la dagaalanka musuqmaasuqa, kuna amray Hanti-Dhowrka Guud inuu qaado tallaabo kasta oo lagula jihaadayo la dagaalanka musuqmaasuqa si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

    Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagaxisada oo Wasiirka Amniga uu Golaha horey ugu soo gudbiyey. Sharicgan ayaa muhiim u ah soo celinta amniga, nabadeynta iyo ciribtirka kooxaha argagaxisada ah oo shacabka dhibaatooyin u geysta.

    Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada Batroolka iyo kan Istaatiistikada oo Wasiirada Batroolka iyo Qorsheynta ay warbixno kooban ka siiyeen Golaha Wasiirada muhiimada sharciyadan. Golaha ayaa soo akhrisan doona sharciyadan si kulamada danbe looga doodo, loona ansixiyo.

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Golaha siiyey warbixin la xiriirta waxqabadkii 100kii maalmood ee Xukuumada ugana mahadceliyey Golaha Wasiirada dadaalkoodii dhaxalgalka ahaa oo suurtogeliyey in muddo kooban ku qabsoomaan howlo fara badan oo muhiim u ah dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka codsaday Golaha Wasiirada inay ka howlgalaan qorsheyaashooda 9ka bilood ee soo socda.

    Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo dalka xilal kala duwan ka soo qabtay horeyna u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Maaliyada iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen. Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inuu socdo wadahadal qoyska oo looga hadlayo in Meydka la keeno Muqdisho si aas qaran loogu sameeyo iyo in kale,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/EIBgqxsib08

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.