Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka oo ka hor yimid xarigii Rooboow
    Somalia

    Video:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka oo ka hor yimid xarigii Rooboow

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 15, 2018Updated:December 15, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu uga hadlay xariga loo geestay Sheekh Muktaar Roobow Abuu Mansuur iyo rabshadaha ka dhacay magaalada Baydhabo.

    Maxamed Mursal ayaa ugu horey ka tacsiyeeyay dadkii kala duwanaa ee ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo uu ku jiro Gudoomiyihii guddiga Amniga ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed .

    Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa xariga loo geestay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ku tilmaamay mid sharci daro ah, waxa uuna sheegay Abuu Mansuur in dhamaan uu biixiyay sharuudihii laga rabay uuna xaq u lahaa in uu tartamo.

    Waxa uu sheegay Gudoomiyaha golaha shacabka in xariga Abuu Mansuur aan loo marin wadadii saxda aheyd, waxa uuna sheegay in khalad tahay in awooda dowlada loo adeegsado xarig iyo meel ka dhac .

    Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ku baaqay in lasoo daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur si uu uga qeyb galo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kamid yahay  musharaxiinta buuxiyay shuruudaha doorashada.

    ” Waxaa nasiib daro ah in dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed uu ka dhasho qabashadii Abuu Mansuur oo loo soo xiray si baal marsan sharciga, maadaama aan amar maxkamadeyd aan lagu soo qaban ” Ayuu yiri Maxamed Mursal.

    Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sidoo kale cadeeyay in shacabka Koonfur Galbeed ay ka biyo diidsan yihiin fara galinta Xukuumada ku heyso doorashada Koonfur Galbeed , waxa uuna cadeeyay in uu horey uga digay dhibaatada maanta taagan.

    Maxamed Mursal ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed inta laga helayo jawi xasiloon oo ku haboon doorasho xur iyo xalaal ah.

    Ugu dambeyn gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Koonfur Galbeed iyo shacabka ugu baaqay in laga shaqeeyo sidii xasiloonida loogau soo celin lahaa magaalada Baydhabo ay ka dhaceen rabshado xoogan,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.