Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Hay’ada Xuquuqda Aadanaha Ee HRW oo ka hadashay dhiibista Qalbidhagax
    Somalia

    Video:-Hay’ada Xuquuqda Aadanaha Ee HRW oo ka hadashay dhiibista Qalbidhagax

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 21, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Hay’adda u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay bayaan ay uga hadlayso dhibaatada ay wajahaan qaxootiga Itoobiya ee ku sugan dalalka bariga Afrika.
     
    Hay’adda ayaa sheegtay in dhibaatooyiin ay la kulmaan qaxootiga, qaarkoodna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo raadineyso dadka mucaaradka ku ah.
     
    Warka waxaa lagu xusay in dadka caanka ah ee mucaaradka ku ah Itoobiya ee loo dhiibay maamulka Addis ay ka mid yihiin kuwa haysta dhalashooyiinka dalal Reer Galbeed ah.
     
    Dadkaasi waxaa ku jiray nin dhalasho British haystay oo lagu qabtay Yaman iyo qof kale oo lagu qabtay South Sudan oo dhalashada Norway haystay.
     
    Sidoo kale hay’adda ayaa xustay Cabdikarim Sheekh Muse oo loo garanayay Qalbi Dhagax oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.
     
    Cabdikarim wuxuu ka mid ahaa guddiga fulinta ee Jabhadda Xureynta Soomaali Galbeed ee ONLF, wuxuuna dhowr sano ku noolaa magaalada Muqdisho.
     
    War ONLF ay soo saartay xilli hore ayaa lagu sheegay in “qoyska Cabdikarim oo dhan ay dileen ciidamada Itoobiya”. Waxay sheegtay in markii Gaalkacyo lagu qabanayay uu halkaasi ka doonay qof qaraabadiisa ah si uu Muqdisho u geeyo looguna daaweeyo.
     
    “Dowladda Soomaaliya way diiday in qoyskiisa ay booqdaan xilligaas oo ay sheegeen in ay sii deyndoonaan”. Sida ONLF ay sheegtay.
     
    Hay’adda difaacdo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qortay in Somaliland dhankeeda ay qaxooti ku qasabtay in ay Itoobiya ku noqdaan.
     
    “Sideed ka mid ah dadkii noqday ayaa lagu jirdilay gudaha Itoobiya”, sida HRW ay sheegtay.
     
    Dowladda Soomaaliya ayaa Qalbi Dhagax ku eedeysay in uu argagixiso taageerayay, sidaa darteedna “Amniga uu halis ku ahaa”.
     
    Balse ururka uu ka tirsanaa ee ONLF ayaa beeniyay dhammaan eedahaasi, waxayna ku tilmaameen “in uu xaq u dirir ahaa” Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax).
     
    Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaabilay mooshin ku saabsan sida loo wajahay arrinta Qalbi Dhagax, waxaana markii dambe loo saaray guddi baaritaan ku sameeya oo 15 xubnood ka kooban,hoos ka daawo muuqaalka.
     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/fUm6dSBVLd8

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.