Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: In ka badan 30 Ruux oo ku dhimatay Shil tareen
    Puntland

    VIDEO: In ka badan 30 Ruux oo ku dhimatay Shil tareen

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 7, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Laba tareen oo xawli ku socday ayaa isku dhacay koonfurta Pakistan, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof oo rakaab ah, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Pakistaan.

    Saraakiisha Caafimaadka ee tuulooyinka ayaa  ka shaqeynaya sidii ay u soo saari lahaayeen dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee kujira burburka tareenada hoostooda ah.

    Ilaa 25 rakaab ah ayaa wali ku xayiran burburka tareenka Millat Express masuuliyiintuna waxay isku dayayaan inay abaabulaan mashiinno culus si loo soo badbaadiyo dadkaas oo dalbanaya in la caawiyo, ayuu yiri Umar Tufail, oo ah taliyaha booliska ee degmada Ghotki ee gobolka Sindh, halkaas oo uu shilka ka dhacay.

    Muuqaalo lagu duubay taleefanka gacanta ah oo laga daawaday telefishanka kana soo muuqday goobta ayaa waxa ka muuqday bur-burayka tareenada iyo dad dhinacyadooda jiifa oo loo maleynayo inay dhinteen.

    Muuqaalada TV-ga ayaa muujinayay gawaarida gurmadka deg-degga ah oo qaadaya dhaawacyada rakaab isbitaalada si loogu daaweeyo, iyad aoo ay jiraan dad ku hoosjira tareenada Shilka galay.

    Shilalka tareenada ayaa dhowr jeer ka dhacay Gudaha dalka Pakistan, waxaana bishii Oktoobar ee sanadkii 2019 uu dab qabsaday tareen ka baxay magalada Karachi, iyada oo ay  ku dhinteen 75 ruux halka laba tareen oo isku dhaay Magalada Karachi sanadkii 2016-kii  ay ku dhinteen 21 qof.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.