Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Itoobiya Oo si rasmi ah uyeelatay Ra’isalwasaare cusub
    Somalia

    Video:-Itoobiya Oo si rasmi ah uyeelatay Ra’isalwasaare cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 2, 2018Updated:April 2, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ra’iisulwasaaraha cusub oo khudbad ka horjeediyay xildhibaannada ayaa qiray in “dimuqraadiyadda curdanka ah” ee dalku ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay.
     
    Kumannaan dad ah ayaa la xidhay, tiro aan la ogaynna way dhinteen intii ay mudaaharaadyadu ka socdeen Itoobiya tan iyo markii ay billawdeen sannadkii 2015kii.
     
    Dr Axmed ayaa sidoo kale raaligaliyay dhammaan dadka xuquuqda aadanaha u dooda, siyaasiyiinta iyo dibadbaxyaasha ay qiimaha sare ugu kacday isbadalkii ay dalbanayeen.
     
    Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal iyada oo lawada xaajoonayo.
     
    Isaga oo diiradda saaraya midnimada, qanaacada, caddaaladda iyo iscafintana, Ra’iisulwasaare Abiy wuxuu siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qurbajoogta Itoobiyaanka ah ugu baaqay in laga wada shaqeeyo isafgarad qaran.
     
    Wuxuu sidoo kale ka hadlay in wax laga barto khaladaadkii horay loogalay, lagana shaqeeqo midnimada dalka.
     
    Dr Abiy ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in awood wareejinta maanta ay keenayso fursad taariikhi ah oo baal cusub u furaysa taariikhda siyaasadeed ee Itoobiya.
     
    Dad badan ayuu ahmiyad gaar ah u leeyahay isbadalkani, sababtuna waxay tahay in Abiy uu ka soo jeedo qawmiyadda Oromada, gobolkaas oo ay mudaaharaadyo waawayn iyo degenaansho la’aan ka jirtay wakhtiyadii dambe,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/xq0WpT2i1wI

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.