Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Jawaari Oo shir gudoomiyay shirkii Gudiga joogtada ah Ee golaha shacabka
    Somalia

    Video:-Jawaari Oo shir gudoomiyay shirkii Gudiga joogtada ah Ee golaha shacabka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 29, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo galabta shir guddoomiyay kulankii Guddiyada joogta Golaha, ayaa waxaa looga wada hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa howlaha caadiga ahaa ee fadhiyada Baarlamaanka.

    Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee uu ka soo dhax muuqdo guddoomiye Jawaari tan iyo markii soo ifbaxay khilaafkan ayaa waxaa joogay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

    Laakiin waxaa kulanka ka maqnaa oo aan soo xaadirin guddoomiye ku-xigeenka koowaad mudane Cabdiwali Muudeey oo horay u sheegay in ajandaha ugu horeeya ee fadhiga Baarlamaanka uu noqon doono in cod la galiyo mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari.

    Kulanka ugu soo horeeya ee 31 ka Sabtida inagu soo foolka leh qabsoomaya ayaa lagu sheegay in looga dooddi doono arrimo xasaasi ah sida xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo, taasoo muujineysa khilaafka xoogan ee ka dhax jira Golaha Shacabka.

    Maalinta Sabtida ee taariikhda tahay 31 bisha March Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey ayaa go’aamiyay in laga doodi doono mooshinka Guddoomiye Jawaari.

    Kulanka Sabtida ayaa laga cabsi qabaa inuu hareeyo qalalaase iyo fowdo, hadii labada dhinac ee Xildhibaanada kala qeybsan ay isugu yimaadaan kulan uu mid walba ajandihiisa gaar u yahay,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.