Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Kenya oo abaabulaysa taageero ay uga hesho shacabkeeda muranka Badda Ee Somaliya kala dhaxeeya
    Somalia

    Video:-Kenya oo abaabulaysa taageero ay uga hesho shacabkeeda muranka Badda Ee Somaliya kala dhaxeeya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 20, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya iyo daafaha caalamka ayaa caro ka muujiyay muuqaal ay duubeen mutacallimiin Kenyan ah oo ka hadlay muranka badda ee u dhexeeya xukuumadaha Nairobi iyo Muqdisho.

    Muuqaalka oo ay soo duubeen ardey Kenyan ah oo jaamacado ka dhigta dibedda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya oo kaashanaysa dalal caddaan ah ay gumaysan rabto Kenya, isla markaana ay doonayso inay dhacdo badda lagu muransan yahay.

    Dhaliyarada muuqaalka ku jirta ayaa ku doodaya in haddii maxkamadda cadaallada ee caalamiga ah ay go’aamiso in Soomaaliya ay leedahay badda lagu muransan yahay ay taasi horseedi doonto in Kenya ay noqoto dal aan bad lahayn.

    Waxa ay sheegeen in Kenya ay abaal badan u gashay Soomaaliya, gaar ahaan soo dhaweynta qaxootiga kasoo cararay colaadda sokeeye ee dalkaasi.

    “Ma oggolaaneyno in taako kamid ah dhulkeenna la qaato… waxaan ku wargelineynaa walaalahayaga Soomaalida ee aanan taageerada siinnay… ee qaxootinimada kasoo gudbay ee noqday milkiilayaasha xaafadda Islii, rugta ganacsiga labaad ee ugu weyn Nairobi waa iney joojiyaan xukuumadda Muqdisho” ayaa lagu yiri muqaalka.

    Waxay sidoo kale sheegeen in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay xoog ku qaadato qeyb kamid ah dhulkooda iyadoo usii mareysa garsoore soomaaliyeed oo ka tirsan maxkamadda isla markaasna aysan aqbali doonin.

    Professor Cabdiwahaab Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa BBC u sheegay in dadka soo duubay muqaalka aysan wax saameyn ah ku laheyn dowladda Kenya balse ay doonayaan inay xiisad hor leh ka dhex abuuraan labada dal.

    “Dadkan waxay katirsan yihiin macadka uu maamulo Profesoorka Kenyaanka ah, Mutahi Ngunyi , waa macalin iyo ardeydiisa… waxay doonayaan in labadan waddan oo walaalaha ah ay xiisad ka dhex abuuraan” ayuu yiri Professor Cabdiwahaab.

    Waxaa uu sheegay in Professor Mutahi Ngunyi aanan laga fileyn in hadaalkaas uu kasoo baxo, balse uusan ka turjumeyn dowladda Kenya.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in ninkan ka dambeeyay hadalladani uu doonayo inuu wax ka baddallo fikradda shacabka Kenya ay ka heystaan muranka taagan ee badda iyo Soomaalida maadaama uu yahay nin aqoonyahan ah oo si weyn looga qaddariyo gudaha dalkaas.

    “Dowladda Kenya ayaa loo baahan yahay inay wax ka qabato ninkan doonayo inuu xiisadda ka dhex abuuro iyo soomaaliya ay dowladda Kenya la hadasho, waxyaabahan hadda uu sameynayo waa waxyaabo dadka kicin karo ama isku diri karo” ayuu yiri Cabdiwahaab Cabdisamad.

    Qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa ka hor yimid hadalka kasoo baxay ardayda Mutahi Ngunyi, waxay ku tilmaameen mid lagu qoslo oo ka dhan ah Soomaalida.

    Kenya ayaa horraan ku doooday in dacwaddan ay ka baxsantahay xeer xayndaabka maxkamadda, arrintaasi oo ay maxkmaddu ku gacan seyrtay, kana dalbatay Kenya inay jawaab ka bixiso eedeymaha ay Soomaaliya soo gudbisay.

    Maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah ayaa ilaa iyo imika aanan go’aan ka gaarin muranka badda labada wadan, balse Kenya ayaa dhowr jeer sheegtay in muranka badda ay tahay in labada dal ay qaab wadahadal ku xalliyaan muranka badda.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/PUOM2_SYCQU
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.