Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Khayre oo maanta booqday ciidamada xasilinta xamar
    Somalia

    Video:-Khayre oo maanta booqday ciidamada xasilinta xamar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 29, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’isul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan barlamaanka , wasiirka xanaanadda xoolaha iyo  sarakiil ka tirsan ciidanka  ayaa booqasho ugu   ugu tagay  qaar ka mid ah ciidanka howlgalka xaslinta Cassimadda.

     Xildhibaan Cabdifirax Qaasim Maxamud oo ka mid ah xubnah dhalinyaradda ah ee ku jira  golaha Shacabka ayaa u sheegay ciidanka in aan dalka loo ogolaanin kuwa burburintiisa ka shaqeynaya, isagoo xusay in golaha shacabku ay ku garan taagan yihiin dadaalada ay waddo xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan xasilinta dalka.

    “Ra’iisul wasaaraha Mukeyf saaxiib lama ahan ee nolashada aad ku nooshiyiin ayuu rabaa in uu idin kula noolaado, waxa aad adinka qabtaan ayuu idin la qabaa anaga middaas ayaa ku taageereynaa,” ayuu yiri  Qaasim.

    Ra’isul waaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xusay in  rajada umadda Soomaaliyeed ay yihiin ciidanka isla markaana amni la’aan wax la sameyn karo ama la gaari karo aysan jirin.

    “Sababta aan idin kugu yimid waa in aan idin kaga tacsiyeeyo dhibkii idin ku dhacay, aan idin sheego sababta hal bil ka badan uu qarax ugu dhicin sababta ay u yeraatay dadkii la leyn jirey sababta amni iyo kala dambeyn u bilowday in uu magaaladan ku soo laabto- waa shaqadii adinka aad qabateen,” ayuu yiri RW Kheyre.

    Mudane Xasan Cali khayre ayaa ciidanka ku booriyey in ay laban  labaan   dagaalka ay kula jiraan cadowga nabad diidka ee Alshabab  isla markaana dadka shacab ah ula dhaqmaan si sharaf iyo karaamo.

    “Halyeeyada dalka ayaa tihiin haddaad adinka tihiin dadka la fiirsanayay qalbigiinu waa in uu ahaado bir, shacabka marka aad la dhaqmeysaan waa in aad sharaf iyo wanaag tustaan, Al-shabaab marka aad la dhaqmeysaana bir iyo calool adeeg in aad tustaan waaye, waa in aad u dagaalantaan sidii in aad gumeysi ka xoreynaysaan dalka, Al-shabab waa cadow,” ayuu hadlkiisa ku daray RW.

    Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in ay Al-shabaab ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed maadaama aysan kala sooceynin oo isku si u dilaan marka ay weerar ku qaadaan goobaha dadweynaha u badan yahay sida Hotelada oo kale,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.