Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe oo jeediyay khudbad taariikhiya
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe oo jeediyay khudbad taariikhiya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 7, 2020No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

    Munaasabada furitaanka Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa kasoo qaybagalay Madaxweyne ku xigeenka labaad Xubno katirsan labada gole ee Dowlada Xildhibaano iyo masuuliyiin kasocda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo munaasabadan ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay xooga saartay Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn yihiin amaanka iyo Hormarka.

    Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhaqaalaha la kobciyay iyadoo Wasaarada iyo hay’adaha kala duwan ee dakhligu ay xooga saareen sidii loo midayn lahaa dakhliga guud taas oo guulo la taaban karo laga gaaray isagoo xusay in ay qayb ka tahay hanaanka lagu hufayo nidaamka maaliyada Jubbaland.

    sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Arimaha amaanka hormar badan laga sameeyay iyadoo Ciidamada iyo Hay’adaha amaanku ay wadaan dadaal adag oo lagu xorayno deegaanada maqan taasna shacabku ay door muuqda ku leeyahiin.

    Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in daadajinta maamulka oo marar badan uu hakad ku yimid hada si dhab ah loo guda galayo gaar ahaan golayaasha deegaanka si shacabku ay usoo doortaan dadka matalaya.

    Arimaha dhulka ayuu Madaxweynahu sheegay in hay’ad gaar ah loo sameeyay taas oo xal ka gaarta muranada dhulka sidoo kalana bixisa ruqsadaha lahaanshaha dhulka oo nidaamka iyo xeerarka caalamiga ah waafaqsan.

    Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in shacabka iyo Dowlada Jubbaland ay ka guulaysan doonan kooxaha Argagixisada ah loona diyaar garoobayo howlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo dhamaan deegaanada ay wali ku harsan yihiin iyadoo sidoo kale la isku farayo dhamaan deegaanada xorta ah Ciidamada Jubbaland ee howlagaladaas fulin lahaana ay diyaar yihiin.

    Arimaha Gobolka Gedo ayuu Madaxweynahu sheegay in duulaan cad ay kusoo qaaday Dowlada Federaalka ah deegaano nabdoon oo Al-Shabaab laga saaray 10 sano kahor isagoo xusay in boqolaal shacab ah ay halkaas ku barakaceen sidoo kalana ay Dowlada Federaalka ah burburisay maamulkii halkaas ka jiray.

    Madaxweynahu wuxuu u sheegay Dowlada Federaalka ah inay Ciidamadeeda si shuruud la’aan ah ugala baxdo Gobolka isagoo intaas raaciyay in Ciidamada halkaas la geeyay ay joojiyaan dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan.

    Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay hay’adaha gargaarka inay kaalmo deg deg ah lasoo gaaran dadka shacabka ah ee deegaanada daawo ee Gobolka Gedo ku barakacay.

    Arimaha Doorashooyinka iyo dhamaystirka Dastuurka ayuu Madaxweynahu sheegay in aanay waxba ka soconaynin hadii aanay go’aan ku lahaanin Dowlada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo dhinacyada ku lugta leh isagoo sidoo kale sheegay in Barnaamijka Deyn cafinta oo mudo soo socday ay diyaar u tahay Jubbaland sidii guul looga gaari lahaa lakiin loo baahan yahay in Dowladaha deeqda ku bixiya Soomaaliya ay ka fiirsadaan waxyaabaha loo adeegsado lacagaha ay Soomaalida siiyaan oo dib loogu burburiyo hanaankii Federaalka ahaa ee dalka dib u dhiskiisa waxbadan ka taray.

    Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay Dowladaha shisheeye inay faraha kala baxaan Arimaha gudaha Soomaaliya si gaar ahna Dowlada Qadar ayuu sheegay inay joojiso lacagaha ay ku bixinayso burburinta Dowladnimada Soomaaliya isagoo sidoo kale Dowlada Turkiga ugu baaqay inay dib u eegto dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan Ciidamadii ay soo tababareen oo si khaldan loo adeegsanayo.

    Waxaa Madaxweynahu uu sidoo kale Dowlada Itoobiya uu ugu baaqay inay xakamayso Sarakiisheeda ku lugta leh dhibaatada gudaha ee Soomaaliya isago sheegay in Dowladaha AMISOM ay ku koobnaadan masuuliyada ay dalka u joogaan oo kaliyah.

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa kale o uu ka hadlay heshiisyada dibadaha ay kusoo galaan Madaxda Dowlada iyadoo aan lagala tashan dhinacyada ay saamaynayso waxaa uu xusay Madaxweynahu in heshiisyadaas aan waxba ka jirin oo la burin doono.

    Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dimuqraadiyadii dalku ay dhaafi ladahay rajiimka Eretariya waxaana uu is weydiiyay nooca dimuqraadiyad ee aan ka baran karo Eretariya.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158013470221878&id=742346877
                  
    
    
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.