Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-‘Madaxweyne Cabdi Iley’Waxaa na baadi jiray oo na handadi jiray madaxii hore Ee sirdoonka”
    Somalia

    Video:-‘Madaxweyne Cabdi Iley’Waxaa na baadi jiray oo na handadi jiray madaxii hore Ee sirdoonka”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 12, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa ku eedeeyey madaxii hay’adda sirdoonka Itoobiya, Getachew Assefa, inuu “cabsi galin iyo hanjabaad” ka waday deegaannadooda.
     
    Madaxweynaha oo warbaahinta deegaanka waraysi siiyay ayaa sheegay in Getachew uu u dhaqmi jiray si ka baxsan nidaamka dalka iyo midka xisbiga uu ka tirsanaa ee talada dalka hayayba.
     
    Wuxuu madaxweynuhu sheegay in caqabad weyn uu ahaa madaxii hore ee hay’adda Sirdoonka dalka, Getachew Assefa ee dhawaan xilka laga qaaday.
     
    “Muddadii dheereyd ee uu xilka soo hayey wuxuu deegaanka soomaalida Itoobiya ku hayey” ayuu yiri “faragelin aan geed loogu soo gabban oo weliba sharci darra ah”.
     
    Wuxuu ku eedeeyey cabsi gelin, hanjabaad, khiyaano iyo qofka oo dambi uusan gelin uu dusha ka saaro, si ka baxsan mabaadii’da siyaasadeed ee xisbiga talada haya ee isaguna uu ka tirsanaa.
     
    “Faragelintiisuna waxay gaadhay heer uu shaqsiyaad madaxweynenimo u soo magacaabo oo ay xafiiska iigu yimaaddaan iyaga oo leh madaxweynenimo ayuu Getachew Assefa ii soo magacaabay” ayuu sii raaciyey.
     
    Wuxuu sheegay in arrimahaas ay ku wargeliyeen xisbiga talada haya.
     
    Wuxuu ku eedeeyey in Addis Ababa uu ku uruurinayey shaqsiyaad uu sheegay inay deegaanka ka geysteen dambiyo ay ka mid yihiin dil, dhac iyo mususqmaasuq.
     
    “Waxaan aaminsanahay falalka dalka ka socda ee la rabo in lagu hakiyo isbeddelka dalka ka socda in ninka la yirahdo Getachew Assefa uu ka dambeyo”.
     
    Getachew Assefa oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigreega, muddo badanna soo ahaa madaxa hay’adda sirdoonka dalka Itoobiya, waxaa xilka laga qaaday bishi hore waxaa lagu beddelay jeneraal Adem Mohammed oo ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada.
     
    Getachew Assefa kama uusan jawaabin eedeynta loo jeediyey.
     
    Dalka Itoobiya waxaa ka socda isbaddel dhinacyo badan taabanaya oo ay siyaasadda iyo amnigu ka mid yihiin,hoos ka daawo muuqaalka.
    Halkan ka daawo muuqaalka
    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2018/07/10000000_283273218885659_6025748986399293440_n.mp4
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.