Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Deni oo booqday Taliska Daraawiishta
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Deni oo booqday Taliska Daraawiishta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 24, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Garoowe (54-aad).

    Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland, salaan kadib waxa uu Madaxweynuhu kormeeray dufcaddii sadexaad ee ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo tababar uga socdo Taliska Xerada 54-aad, waxaa ka horeeyey dufcaddani laba dufcadood oo dhammaystay tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada dowladda Puntland.

    Madaxweynaha ayaa la hadlay dufcadda sadexaad ee Ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo dhowaan tababarku usoo xidhmidoono, waxa uu u xaqiijiyey in Maanta uu u socdey shaqo la xidhiidha qiimaynta ciidanka iyo sida uu u socdo tababarku.

    β€œShaqaan u nimi la xidhiidha arrimaha ciidanka, gaar ahaan tababarka, sidaad ogtihiin mudadii u dambaysey dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ciidamada loo tayaynlahaa, haday ahaan lahayd tababarkooda, mushaharkooda iyo hawlgelintoodaba, dabcan waa hawl aad u balaadhan oo aan sahlanayn, waxaan ku faraxsanahay in qorshihii dowladda ay wax ka qabsoomeen, laguna gudajiro oo aan rajaynayno hadafkii la lahaa in laga gaadho oo ay ugu horayso Puntland inay hesho ciidan shacabkeeda iyo dowladdeeduba ay isku halayn karaan.”

    β€œSi loo helo taas waa in ciidanka dhiniciisa maamulka, kala dambayn iyo akhalaaqdiisa la hagaajiyo, agabkiisa iyo xuquuqdiisana la helo, wixii intaas ka dambeeyana waajibaadkooda lagula xisaabtamo Insha Alla”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/1024396824559571/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.