Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Deni oo daahfuray Talaalka Xoolaha
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Deni oo daahfuray Talaalka Xoolaha

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 1, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Daah-Furay Ololaha Talaalka Iyo Daaweynta Xoolaha Puntland.

    Garoowe: 01, March, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 5 Milyan oo kamid ah xoolaha kunool 9 gobol ee Puntland
    Xoolaha ayaa laga tallaalayaa cudurka ku dhaca Sambabka Ariga waxaana uu soconaya muddo laba bilood ah.

    Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis), Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

    Madaxweynaha dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka ambabixiyo dhakhaatiirta soo tallaali doona 5 Milyan oo kamida Xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’idooyin badan, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkooda.

    β€œRuntii waxaa farxad maanta noo ah in aan daah-furayno shaqo hal bowle u ah horumarka Puntland, sida la sheegey dhaqaaleheenna waxaa laf-dhabar u ah xoolaha. Waxa xooleheenna marar badan suuqyadii loo dhoofin jiray looga xiray xanuun dartii, waxaan aad ugu rajo weynahay in Puntland ku guuleysato inay dhammaan xanuunnada faafa iyo kuwa khatarta ahba cidhib tirto”

    Ugu danbayn, Madaxweynaha, Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhakhaatiirta ayuu kula dardaarmay inay xil iska saaraan howsha loo igmaday,waxaana uu bogaadiyay Wasasaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland oo qorshahaan soo diyaarisay, isagoo tilmaamay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu guul ku soo dhammaado talaalka xoolaha Puntland.


    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10157994859046878&id=742346877
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.