Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Gaas oo si maqaabsare leh loogu soo dhaweeyay Bosaso
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Gaas oo si maqaabsare leh loogu soo dhaweeyay Bosaso

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 11, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Weftiga labada Madaxweyne ay hogaaminayaan,ayaa ugu danbayntii soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey kumanaan ka mid ah bulshada magaalada Boosaaso iyo maamulka Gobolka,saraakiisha amaanka.

    Waxaa ugu horayn halkaas kusoo dhaweeyay  ,Gudoomiyaha Gobolka Bari , duqa degmada Boosaaso , qaar ka mid ah Golayaasha dawladda Puntland, , isimo, Salaadinn , Cuqal , waxgarad , siiyaasiyiin , iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

    Madaxweynha Dawladda Puntland Iyo Madaxweynaha DF ee Soomaaliya  oo ka haldlay munaasabdadii soo dhawaynta ahayd  ee loogu sameeyay magaalada Boosaaso ayaa kala hadlay goob fagaarea ah dadkii halkaasi isugu soo baxay .

    “aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinayaa dadwaynaha reer Boosaaso oo ay hogaaminayaan maamulka degmada , maamulka gobolka , saraakiisha ,iyo shacbigaan quruxda badan ee tirada badan oo runtii aad nooga cajabiyay ,sidaa aad usoo dhawayseen ee meeqaamka sare ah , aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin wadaa nasharafteen anagana sharaf ayay noo tahay muuqaal wanaagsan oo quruxbadan ayaad kabixinaysaan Puntland iyo Soomaaliya oodhan .

    “dad shacab ah oo qiiraysan oo wanaagsan oo u heelayn in ay soo dhaweeyaan Madaxdooda , in badan ayay sugayeen shacbaka reer Puntland Madaxwayne Soomaaliyeed oo soo booqda xaaladooda hadba sida ay tahay ,muddo dheer ma arag shacabku ,sidaa ayay ugu hiloobeen araga Madaxdooda.

    ” waxaan rajaynayaa Mdaxwayne in aad marar badan kusoo laabatid Puntland waxbadan ayaan kaa sugaynaa oo horumar ah ,sida adeegii dawliga ahaa oo lasoo gaarsiiyo waxaan kale oo kaa sugaynaa in dib lo soo celiyo qaranimdii Soomaaliyeed .” ayuu yiri Madaxwaynaha dawladda Puntland.

    sidoo kale Mdaxwaynaha dawladda DF Soomaaliya oo shacabka lahadlay ayaa yiri .

    “runtii waxay noo tahay sharaf iyo farxad wayn sida quruxda badan oo wanaagsanoo aad noogu soo dhawayseen meel walba oo aan soomaraynay sidaan oo kale ayaa naloo-kusoo dhawaynayay maaha wax  lahilmaami karo sida qiimaha leh ee aad noo sharafteen ,taasina waxy muujinaysaa in aad tihiin dad dawladooda jecel , dad horumarka jecel  oo midnimo jecel , iyo in aad tihiin dad Madaxwaynahooda jecel.

     “aad ayaan idiinku mahadcelinayaa waxaa meeshaan iiga muuqda horu-mar badan sidaan kuu soo arkay magaalooyinkii aan soo maray guud ahaan waxaa iga muuqda horu-mar aad loogu farxo “.

    Ugudanabayn Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxay ku sugnaan doonaan magaalda Boosaaso tan iyo intay soo afmeerayaan safarkooda,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.