Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas iyo wafti u hogaaminayo oo ka qaybgalay aaska marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas iyo wafti u hogaaminayo oo ka qaybgalay aaska marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 15, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 July 2017 magaalada Gaalkacayo kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey  Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan  oo horaantii bishan ku geeriyoodey dalkaasi Sweden.

    Aaska qaran ee loo sameeyey marxuun Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan  ayaa waxaa Madaxweunha Dawladda Puntland kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, guddomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Puntland, Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, qaar kamida Isimadda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan magaalada Gaalkacayo.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ku hadlaya afka goloyaasha Dawladda Puntland iyo kan shacabka Puntland ayaa uga tacsiyey ummaada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii asxaabtii iyo caruurtii uu ka geeriyoodey marxuunku, waxaana Madaxweynuhu uu sidoo kale uga tacsiyey geerida marxuunka dhammaan isimada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

    ” Waxaan rabaa anigoo ku hadlaya Magacayga kan Dawladda  iyo kan shacabka Puntland-ba halkani inaan uga diro tacsi ummaada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland geeridaas kutimi Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan, illaahay ha’u naxariistee wuxuu ahaa shakhsi qiime weyn ugu fadhiya Soomaaliya, usoo shaqeeyey, wax badan usoo taray ayuu ahaa, inagana waajibka inaga saaran waxay tahay  inaan u ducayno, Illahay u barrino inuu u naxariisto” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa si gaara ugu tacsiyeeyey eheladii, qoysaskii, caruurtii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuunku, waxaana uu Illahay uga baryey inuu samir iyo iimaan kasiiyo dhammaantood geeridaa naxdin tale ee ku timi Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan Codweyne.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shacabka iyo masuuliyiinta dawladda ee  kasoo qayb galay aaskani qaran ee loo sameeyey marxuun Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan kula dardaarmay in lays cafiyo oo laysa saamaxo laguna cimra qaato geeridani walaalkeen maanta ku timi, lana ogaado in ruux walba oo nafi ku jirto keligii lagu xisaabidoono qabri labo mittir ah.

    Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiisa ummaada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland eheladii, asxaabtii qoysaskii iyo caruurtii uu ka baxay marxuunku uga tacsiyeeyey, waxaana Madaxweyne ku-xigeenku uu sidoo kale illaahay uga baryey marxuunka inuu  u naxariisto, qabrigana u waasiciyo, su’aasha qabrigana Alle u fududeeyo, isla markaana uu illaahay ”SWC”  ku abaal mariyo Janadiisa kuwa ugu derejadda sareeya.

    Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahad naqay dhammaan dadka ehlu-sharafka ah ee kasoo qayb galay aaskani qaran ee loo sameeyey marxuunka, waxaana uu sidoo kale bogaadiyey guddiga qaban qaabadda aaskani qaran,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/7-rAYs6x2pY

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.