Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas Oo booqday Xaafada Baraxley Ee Koonfurta Gaalkacyo
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas Oo booqday Xaafada Baraxley Ee Koonfurta Gaalkacyo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 27, 2017Updated:December 27, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 27 December 2017 waxaa si balaadhan koon furta magaalada Gaalkacayo ugu soo dhaweeyay Maamulka Galmudug.
     
    Madaxawaynaha iyo Masuuliyiinta ku Wehelinaysay ka qayb galka kulan kaasi is dhex galka bulshada ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dhinaca Galmudug Masuuliyiin katirsan Golayaasha Maamulka Galmudug, Talisika ciidamada mamulkaasi, saraakiil katirsan Madaxtooyada Galmudug , isimo Cuqaal, wax garadd, nabadoono, aqoonyahano, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulkaasi,
     
    Soo dhawayn kadib Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa uu kulan laqaatay ciidamada isku dhafka ee Magaalada Gaalkacayo, saraakiil katitrsan ciidanka xooga dalka,iyo qaybaha kala duwan ee ee bulshada Koonfurta Galaakacayo.
     
    “Waxaan Kamahad naqayaa soo dhawanynta wanaagsan ee walaaltinimada leh iyo dareenka wanaagsan ee aad maanta nagu soo dhawaayseen, waxaan aad ugu mahadcelinayaa intii wanaagaan kasoo shaqaysay sida maamulka degmada, maamulka Gobolka, dhalinyarada, haweenka, waxgaradka, taliyayaasha ciidamada, iyo intii kale oo kaqayb qaadatay wanaaga badan ee aan ujeedno maanta, una dhabar adaygay hawshaan adag, runtii waan jeclaa in aan imaado intii uu joogay madaxwayne Axmed Ducaale Xaaf, laakiin duruufo kale ayaan ii saamixin in aan imaado waan rajaynayaa markale in aan gobolka isugu nimaadno saan ku balansanahay, si nabadda Gaalkacayo usal dhigato, uwaarto dadkanina ay wanaag iyo walaaltinimo kuwada noolaadan ayaan rajaynaynaa, nabada Gaalkacayo marka hore Gaalkacayo ayay mihiim utahay, wanaag iyo qurux utahay, waxay horseed unoqonaysaa sidoo kale nabadda soomaaliyeed, maata waxaa ii muuqada bisayl aad ubadan waxaan rajaynayaa in bisaylkaasi uu yahay mid dhab ah
    dadka reer Gaalkacayo matihidin dad meel kala aadaya oo kala guuraya waxaa tihiin dad ehel ah oo aan kala maarmin, maanta waxaa jira cadaw Somaaliya dhib wayn kuhaya inaga oo dhan aan inakala aqoon oo aan cidna dhaafayn oo dhibaato wayn soomaaliya kuhaya oo Dawladnimadeena, wanaageena, qaranimadeena, hortaagan oo kashaqaynaya sidii ay inoo dhibi lahaayeen iyaguna u guulaysan lahaayeen, markaa wa in aan gacmaha isqabsanaa cadwgeena halmeel uga soo wada jeesanaa dhammaanteen oo goboladeena ay dhibka kuhayaan aynu si wada jir ah uga xoraysano ayaa layna karaabaa, waxaan rabaa marka in aan kahadlo ciidankan isku dhafka ah, waxaa loo sameeyay in ay wanaag soo kordhiyaan in ay nabad soo kordhiyaan in ay magaalada horumarkeeda ka shaqeeyaan, wixi ka dhiman oo imkaaniyaad ah wixii aan u awoodno sida ugu wanagsan ayaan isgu dayaynaa in aanu u hawl galno”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.
     
    Ugu danbayn, Madaweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawdwaynaha gobolka mugug ugu baaqay inay siwada jir ah nabadda uga wada shaqeeyaan,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.