Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo dalka dib ugu soo laabtay
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo dalka dib ugu soo laabtay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 23, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 July 2018 waxaa uu dib ugu soo laabtay Puntlnad, kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa magaalda Brussels ee Dalka Belgium.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayey oo ka koobnaa qaar kamida Golaha Xukuumadda iyo Saaraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Aripot ee Magaalada Garoowe, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Garoowe, kan Gobolka Nugaal, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, ganacsato iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa magaalda Brussels ee Dalka Belgium uga qayb galay shirkii looga hadlayey danaha iyo geedi socdka nabadda Soomaaliya, oo ay ka qayb galeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Beesha Caalamka.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Airport isaga oo ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee uu ugu maqnaa magaalda Brussels ee dalka Belgium, ayaa yidhi,

    “Waan idinkaga mahad naqayaa soo dhoweynta aad sida diiran noo soo dhoweyseen oo ay ugu horreeyaan gudoonka Baarlamaanka iyo xubnaha Goloyaasha Dowladda ee kala duwan, saad la socotaan waxaan ka qayb galay shirkii la oran jiray SPF, oo ay iskugu imaan jireen beesha caalamka ama daneeyaasha Soomaaliya iyo Soomaalidu, shirkaas oo la isugu yimi caasimada Dalka Belgium, shirkaas waa la socoteen wuxuu ahaa shir labo berri soconayey loogans hadlayey duruufaha iyo xaalada ay Soomaaliya ku jirto, dhan dhaqaale, dhan amni iyo dhan siyaasadeed oo aad looga hadlay, shirkaas waxaan is leeyahay waa ka duwanaa shirarkii hore markii la eego qaabkii Soomaalida loola dhaqmaayey ama loo eegayey duruufahooda, waxaa ka soobaxay haddii la hirgeliyo, waxaan isleeyahay wax wanaagsan baa kasoo baxaya, Soomaaliyana wax badan baa iska bedelaya waqtiga dhow haddii Alle yiraahdo”

     Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey kulan uu la qaatay Jaaliyada Puntland ee Qaarada Yurub, waxaana uu madaxweynuhu sheegay in ay uga warbixiyeen xaalada dalka guud ahaan iyo inay si gaara ugaga warbixiyeen xaalada socota ee xoreynta Gobolka Sool,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.