Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas Oo deeq waxbarasho udiray 410 Arday Oo Reer Puntland ah
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas Oo deeq waxbarasho udiray 410 Arday Oo Reer Puntland ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 26, 2017Updated:October 26, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 25 october 2017 sagootiyey 204 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalalka Ethiopia iyo Suudaan, waxaana ay ardaydani isugu jirtaa ardayda sanadkani kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee dawladda Puntland iyo arday shaqaalaha dawladda ah oo deeqdaasi ku guulaystey imtixaan kadib.

    Sagootintani ardayda oo ka qabsoontay jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta sare ee Puntland, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, Qunsulka dalka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waalidiin, waxgarad, aqoon yahano iyo marti sharaf kale.

    Madaxweynaha Puntland ayaa  ugu horayn mahad balaadhan u caliyey dawladda Ethiopia oo deeqda ugu badan siisay ardayda sanadkan 2016- 2017 ka qalin jebiyey imtixaanka shahaadiga ah ee dawladda Puntland oo tiradoodu dhantahay 150 arday halka suudaan ay siisay 54 arday guud ahaan ardayda maanta la sagootiyey ayaa dhammaa 204 arday, waxaana sanadkan gudihiisa deeq waxbarasho kahelay dalka dibaddiisa 410 arday, dalalka deeqaha waxbarasho siiya Puntland ayaa waxaa kamid ah Ethiopia, Suudaan, Maser, India, Russia, iyo chine.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ugu hambalyeeyey ardayda maanta la sagootiyey guusha ay gaadheen, isla markaana waxa uu Madaxweyunu xusay in uu marlabaad ugu hambalyaynaayo kartida iyo aqoonta ay kaga soo dhexbaxeen kumanaan arday ah oo ay isku sanad dugsiyeed ahaayeen.

    Madaxweynaha ayaa xusay in  ardayda wax ku barata gobolada kala duwan ee Puntland aanay isku xaquuq ahayn isagoona u sababeeyey in tayada waxbarasho, kharash iyo mid degaanba ay ku kala duwan yihiin, isla markaana ardayga lagu qiimeeyo dedaalkiisa iyo natiijadiisa imtixaanka shahaadiga ah iyadoo si cadaalad ah loo simayo dhammaan ardayda reer Puntland.

    Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay inaanay dhicin dhicina doon in arday natiijo imtixaan iyo mid fursad waxbarashoba la duudsiiyey, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in aanay jirin cadaalad daro ka xun arday wax soo baranayey 12 sano in la duudsiiyo fursad wabrasho oo uu xaq u leeyahay . isla markaana waxa uu Madaxweynuhu soo tusaale qaatay arrin dhexmaray isaga iyo nin Ambassador ah.

    “Nin Ambassador ah ayaa iiyimid Walaahay wuxuu igi yidhi mahaysaa dad ehelkaaga ah oo aanu deeq waxbarasho siino, runtii waan naxay sababtoo ah waan qaadan kari waayey areygaas, waxaan ku iri Ambassador aniga ehelkaygu waa Puntland, ehel gaara oo aan anigu leeyahay ma jirto” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay ardayda inay noqdaan kuwo wax u soo barta dalkooda iyo dadkoodaba, kana fekera sidii ay mustaqbalka wax ugu soo kordhin lahaayeen dalkooda maadaama ay yihiin jiilka berito dalku sugayo inay hantaan hogaaminta dalka, isagoona shahaado sharaf guddoonsiiyey qunsulka dalka Ethiopia iyo wasaaradda Waxarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/N9l5GR59HAw

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.