Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo furay shirweynaha Xeerka isgaarsiinta Somaliya
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo furay shirweynaha Xeerka isgaarsiinta Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 25, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 June 2018 waxaa uu ka qayb galay bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya oo lagu qabtay Caasumadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

    Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya dhammaan Wasiirada Wasaaradaha isgaarsiint Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland, garyaqaanka guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

    Bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya  oo lagu qabta Caasumadda Dowladda Puntland ayaa waxaa ku kulmay dhammaan masuuliyinta warfaafinta iyo isgaarsiinta Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulankana lagu lafaguri doono sidii loo horumarin lahaa isgaarsiinta Soomaaliya iyo sidii looga gudbi laha caqabadaha hortaagan ee jira isgaardhsiinta.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulanaka ka hadlay ayaa  ka jeediyay  ayaa ka hadalay sidii loo horu marin lahaa isgadhsiinta Soomaaliya iyo sidii loo qabyo tiri lahaa sharciga isgaadhsiinta, kaas oo la rabo inuu kala xadeeyo xuquuqaha iyo waajibaadka,

    ” Waan idin salaamay dhammaantiin intiina martida ahna waan idin soo dhawaynaynaa,  waan ku faraxsanahay in aan kasoo qayb galo shirkaan aad iskugu timaadeen lagagana hadlayo arintaan muhiim ka ah ee shuruucda isgaarsiinta Soomaaliya sidii looga gaari lahaa isfaham si wada jir ahna horay loogu socon lahaa, wasaaradda warfaafintu waa ku mahadsan tahay in ay marti gelisay soona dhoweysay martida inoo timid ee ay shaqada wadaagaan, isgaarsiintu waa furaha nolosha iyo horumarka, maanta isgaarsiintu waxay ka mid tahay waxyaalaha lagama maarmanka ah sida:- Raashinka, Biyaha, iyo Dawada sida ay muhiimka u yihiin ayaa maanta isgaarsiintu lagama maarmaan u tahay,

    Waa in la fahmaa in isgaarsiintu ay tahay wax taabanaya qofka xoriyadiisa iyo dareenkiisa, maxaa ka dhigaya lagama maarmaan? Waa isbadalka qofka noloshiisa ku dhacaya, wixii shalay ahaa raaxo iyo madadaalo, maanta waxay isku badashay baahi joogto ah maanta daqiiqad moobilkaaga kama maqnaan kartid nolosha qofka ayaa ku xiran maanta, shirkadaha madaxa banaan ee howshaas qabtay amaan bay mudan yihiin doorka ay qabteen, markii dowladeenii burburtay waa mid bogaadin leh isgaarsiinta in shirkado madax banan bixiyaan, wax badan ayey ka bedelaysaa nolosha dadka, waxyaalaha lagu hormaray ee suuqa ganacsigu sahlay ayeyna ka mid tahay, laakiin haddana waxaa loo baahan yahay cid maamusha oo ilaalisa tayada iyo qiimaha.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay  in loo baahan yahan in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, lana sammeeyo shuruc lagu ilaalinayo madax banaanida shirkadaha ganacsigga si dalka si wanaagsan loogu adeego,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.