Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas Oo ka qaybgalay Caleema saarkii Madaxweyne Waare
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas Oo ka qaybgalay Caleema saarkii Madaxweyne Waare

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 23, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madadaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23 October 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Jawhar ee caasimadda maamul goboleedka Hir-shabeelle.
     
    Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdixamiid Shiikh Abdisalaan, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.
     
    Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Jawhar kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Hir-shabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku-xigeenka hir-shabeele, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Hir-shabeelle, nabadoono, waxgarad, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.
     
    Madaxweynaha dawladda Puntland oo khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyey xafladda caleema saarka madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan-yahay kasoo qayb galka xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Hir-shabeelle, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xusay in doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ka turjumayso midawga ummadda Soomaaliyeed iyo fadaraaliisamkii Soomaaliya oo Hirgalay.
     
    “Aniga iyo weftigayguba aad iyo aad ayaan uga mahad naqaynaa soo dhoweyntii aad nasoo dhoweyseen shacbiga reer Jawhar iyo Hir-shabeelleba ee wanaagsanayd, quruxda badnayd, walaaltinimada lahayd, runtii waa dawlad nimadii Soomaaliyeed oo hore u socota, doorashada Maxamed Cabdi Waare waxay ka turjumaysaa fadaraaliisamkii Soomaaliya oo socda oo hirgalay, Madaxawed Cabdi Waare inta aan ka bartay waxaan aamin sanahay dad weynaha Hir-shabeelle inay heleen hogaamiyihii u wanaagsanaa ee ay heli lahaayeen” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.
     
    Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale la dardaarmay una duceeyey Madaxweynaha Hir-shabeelle in Alle u fududeeyo xilka uu u qaaday shacabka Hir-shabeelle, iyo ummaadda Soomaaliyeedba, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in shacabka Hir-shabeelle iyo Soomaaliya oo dhanba ay soo mareen wakhti aad u dhib badan loona baahan yahay in uu ka shaqeeyo wixii ay kaga bogsan lahaayeen xanuunkaasi iyo wakhtigaasi adkaa ee soo maray.
     
    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhibaatadii soo gaartay dadkii rayidka ahaa ee ku wax yeeloobey qaraxii Muqdisho 14 october 2017, waxaana uu Alle uga baryey dadkaasi in Alle u naxariisto intii dhimatay, intii ku dhaawacantayna Alle u boogadayo,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/pvMShJBunUI

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.