Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas Oo ka qaybgalay shir looga xaajoonayay Amniga Qaranka Somaliya
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas Oo ka qaybgalay shir looga xaajoonayay Amniga Qaranka Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 4, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04 Nov 2017 madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir looga hadlayey guud ahaan amniga qaranka Soomaaliya.

    Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha DFS, Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa.

    Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

    Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn looga wada-hadlay mideynta qorshaha dagaalka iyo qorshe  lagu cidhibtirayo Al-shabaab, isla markaana waxaa la isla meel dhigay kaalinta AMISOM ay ka qaadanayso dagaalka Soomaaliya lagaga sifaynayo kooxaha nabad diidka ah.

    Danjirayaasha dalalka Ciidamada  ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada ay  ku dhawaaqeen Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in wadajirka go’aanka iyo qorshaha Madaxda qaranka Soomaaliyeedba ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgalyada dalkeena Soomaaliya.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxda kale ee qaranka Soomaliyeedba ayaa ka midaysan sidii dalka guud ahaantiiba looga cidhib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxaana ay Madaxdu isla meel-dhigeen in la mideeyo cududda iyo maskaxda muwaadiniinta Soomaliyeed si loo cidhibtiro kooxahaasi tamarta yar,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/KRtbfYwQ1oI

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.